CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Kolanyadii ugu horeysay ee xujey Suuriyaan ah muddo 14 sano ah ayaa si toos ah uga dhoofay Dimishiq
Kolonyadii ugu horeysay ee Xujeyda ah oo ka kooban muwaadiniin ka kala yimid gobollada kala duwan ee Suuriya ayaa ka ambabaxay caasimada Suuriya ee Dimishiq.
Kolanyadii ugu horeysay ee xujey Suuriyaan ah muddo 14 sano ah ayaa si toos ah uga dhoofay Dimishiq
Kolanyadii ugu horeysay ee xujay Suuriyaan ah ayaa ka dhoofay garoonka Dimishiq markii ugu horeysay muddo 14 sano ah. / AA
18 Meey 2025

Kolanyadii ugu horeysay ayaa ka ambabaxay garoonka caalamiga ah ee Dimishiq, iyagoo siday xujey reer Suuriya ah oo ka kala yimid gobolada kala duwan, waxaana ka mid ahaa xujeyda Suuriyaanka ah oo ka kala yimid gobollada kala duwan, kuna sii jeeday magaalada Jidda ee Sacuudi Carabiya, halkaasoo ay uga gudbi doonaan dhulka barakaysan si ay u gutaan waajibaadka xajka. 

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya (SANA) ayaa soo werisay in wasiirka Awqaafta Mohammed Abu al-Khayr Shukri, uu sheegay in markii ugu horreysay tan iyo markii dalka la xoreeyay ay xujaydu ka dhoofayaan madaarka caalamiga ah ee Dimishiq iyagoo dareemaya amaan iyo nabadgeliyo.

Wuxuu intaas ku daray: “Midna lagama raadinayo, mana jiraan wax raad-raac amni ah. Dhamaantood waxay baxayaan iyagoo haysta baasabooro shaambadeysan, sharaftoodana la dhowray”.

Wasiirku wuxuu cadeeyay in qorshaha Duulimaadku uu socon doono ilaa 2-da bisha June, isla markaana xujeyda lagu qaadi doono diyaaradaha ka imanaya Turkiga iyo Uzbekistan.

Shoukry waxa uu tilmaamay in Wasaaradiisa ay u adeegi doonto 22,500 oo Xujey ah, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhoofi doonaan Suuriya, halka kuwo kalena ay ka imaan doonaan dalal kale.

Dhinaca kale, Calaa Salal oo ah Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Suuriya ayaa sheegay in kolonyada ugu horreysa oo ka kooban 247 Xujey Suuriyaan ah ay tagi doonaan magaalada Jidda ka hor inta aanay u sii gudbin dhulka Barakaysan si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay bixinta dhammaan tas-hiilaadka suurtagalka ah ee lagu hubinayo raaxada xujeyda inta ay safarka ku jiraan.

Waxaa xusid mudan in dadka ku nool deegaanada ay mucaaradka ka taliyaan ee waqooyiga Suuriya ay ku soo gudan jireen waajibaadkooda xajka sanadadii lasoo dhaafay iyaga oo sii marayey wadamada dariska ah,ilaa ay meesha ka baxday xukuumada Assad.

8-dii Diseembar ee sanadkii hore, kooxaha Suuriya ayaa la wareegay talada dalka, taasoo soo afjartay 61 sano oo xisbiga Baath iyo 53 sano oo qoyska Assad ay maamulayeen.

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us