TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Iskaashiga bini'aadannimo ee Turkiga iyo Qadar oo si rasmi ah u dhaqan galay
Heshiisyada iskaashiga gargaarka ee u dhexeeya Qadar iyo Turkiga ayaa looga golleeyahay in lagu dhiso qaab dhammaystiran oo iskaashi ah oo lala yeesho dalalka ay dhibaatooyinku saameeyeen.
Iskaashiga bini'aadannimo ee Turkiga iyo Qadar oo si rasmi ah u dhaqan galay
Heshiiska waxaa ku jiray siddeed qaybood oo mid waliba ay muujineyso hadaf ay labada dhinac wadaagaan. / Reuters
15 Luulyo 2025

Heshiis laba geesood ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Qadar oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga dadaallada bini'aadannimo ee caalamiga ah ayaa dhaqan galay Isniintii, iyadoo lagu daabacay Majaladda Rasmiga ah ee dowladda Turkiga ka dib markii uu meel mariyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

"Heshiiska Iskaashiga ee Dhinaca Gargaarka Bini'aadannimo ee u dhexeeya Dawladda Jamhuuriyadda Turkiga iyo Dawladda Qadar, oo lagu saxiixay Ankara 14-kii Noofembar, 2024, ayaa si rasmi ah u dhaqan galay sida lagu xusay bayaanka."

Heshiiska waxaa ku jiray siddeed qaybood oo mid waliba ay muujineyso hadaf ay labada dhinac wadaagaan.

Sida ku xusan heshiiska, labada dal waxay sameyn doonaan qaab dhammaystiran oo loogu talagalay iskaashi wax ku ool ah oo ku aaddan gaarsiinta gargaar bini'aadannimo dalalka dunida saddexaad ee u baahan.

Heshiisyadii la saxiixay ayaa qeexaya dadaallada wadajirka ah ee dhinacyadan:

Gargaar bini'aadannimo oo u dhexeeya dowladaha, iskaashi ka sameynta dhinacyada dukumentiyada iyo kaydadka, iskaashi ka sameynta dhinaca warbaahinta iyo isgaarsiinta, barnaamijka hirgelinta ee Sannadaha 2025-2026 ee dhinacyada dhalinyarada iyo isboortiga, dhinaca gaadiidka caalamiga ah ee rakaabka iyo badeecadaha, ku dhawaaqida ujeeddada fududeynta ganacsiga, iskaashiga farsamada, iyo iskaashiga militariga.

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us