Turkiga ayaa soo dhaweeyay heshiis ay wada gaareen dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo kooxaha fallaagada ah ee M23, kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha hubaysan ee muddada dheer ka jiray bariga DRC.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo isbahaysi ay ku jiraan kooxo fallaago ah, oo ay ku jirto kooxda M23 (AFC/M23), ayaa Sabtidii magaalada Doha, Qatar ku saxiixday bayaan ay ku ballanqaadeen xabbad-joojin waarta iyo heshiis nabadeed oo dhamaystiran oo la saxiixi doono muddo bil gudaheed ah, iyadoo tallaabadan si weyn loo bogaadiyay.
“Waxaan soo dhaweynaynaa bayaanka ay saxiixeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo kooxda M23 oo ay dhexdhexaadinaysay Qatar. Bayaankan wuxuu u taagan yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xal nabadeed oo laga gaaro colaadda ka jirta bariga DRC,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ku sheegtay bayaan ay soo saartay Axaddii.
“Waxaan qadarinaynaa kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaateen xasilloonida iyo horumarka gobolka Harooyinka Waaweyn dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodkan, gaar ahaan Qatar, Bulshada Bariga Afrika, iyo Bulshada Horumarinta Koonfurta Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda.
Kor u qaadidda nabadda Afrika
“Turkigu wuxuu sii wadi doonaa taageerada dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Afrika,” ayay ku dartay.
Tani waa ballanqaadkii ugu horreeyay ee toos ah oo dhex mara dowladda DRC iyo kooxda fallaagada M23 tan iyo markii fallaagadu qabsadeen laba magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla bariga Congo horaantii sannadkan.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale bogaadiyay heshiiskan cusub, isagoo ku tilmaamay “horumar weyn,” kuna daray: “Tani... waxay calaamad u tahay guul muhiim ah oo ku aaddan dadaallada socda ee lagu gaarayo nabad waarta, amni, iyo xasillooni ka dhalata bariga DRC iyo guud ahaan gobolka Harooyinka Waaweyn.”
Kooxda fallaagada M23 ayaa ah kooxda ugu caansan kooxaha hubaysan ee weerarada ku qaaday si ay u qabsadaan bariga Congo oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah.
Dagaalladan ayaa lagu dilay in ka badan 8,000 oo qof, oo badankood ay ahaayeen dad rayid ah, tan iyo dhammaadkii 2024, sida ay sheegtay dowladda DRC, taasoo ku dartay in qiyaastii lix milyan oo qof hore loo dilay tan iyo 1996-dii.
Iyadoo 7 milyan oo qof ay ku barakaceen Congo, Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay colaadda ka jirta bariga Congo inay tahay “mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ugu daba dheeraaday, ugu adag, uguna culus adduunka.”