Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa sheegtay maalinimadii Axaddii ay weerar dhinaca cirka ah oo Ururka Al Shabaab lagula beegsaday Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya, lagu dilay ugu yaraan 7 dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al Shabaab, laguna burburiyay laba gaari oo hub siday.
Howlgalka ayaa gelinkii dambe ee Axadda laga fuliyey deegaanka Buulo-xoog oo ku yaalla duleedka Buq-Aqable, oo ah magaalo ay maamulaan Al-Shabaab oo 268-KM dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Muqdisho.
NISA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in howlgalkan uu daba socday dabagal lagu sameeyay gaadiidka iyo dableyda, kuwaasoo la sheegay in ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan, ayna ku sii jeedeen dhanka Buq-Aqable.
“Sirdoonka qaranka oo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dableyda la socotay, ayaa howlgalka fuliyay kadib markii ay xaqiijiyeen xog ku saabsan Khawaarijta,” ayay tiri hay’addu, iyadoo adeegsanaysa erey ay ku sifeyso Al Shabaab.
Duqeyntan ayaa timid labo maalin kadib markii saddex howlgal oo kala duwan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay ugu yaraan 13 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab, oo isugu jiray dagaalyahano iyo taliyayaal.
Al Shabaab oo in ka badan 16 sano soo waday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u beegsada ciidamada ammaanka, saraakiisha dowladda iyo dadka rayidka ah.