Ardayadda Turkiga ah Rumeysa Ozturk, oo cilmi-baare ka ah heerka PhD ee Jaamacadda Tufts ee gobolka Massachusetts ee Mareykanka, ayaa ku laabatay xarunta waxbarashadeeda kadib markii Jimcihii dammaanad lagu sii daayay, taasoo ka dambaysay lix toddobaad oo ay xirnayd iyadoo lagu eedeeyay taageeridda arrinta Falastiin.
Ozturk ayaa Sabtidii timid garoonka diyaaradaha Logan ee magaalada Boston, kadib markii go'aan sii deyn ah loo soo saaray intii lagu jiray dhageysiga maxkamadda federaalka ee gobolka Vermont, oo uu shir-guddoominayay Garsoore William K. Sessions.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Qunsulka Guud ee Turkiga ee Boston, Halime Didem Bonner, iyo u-qaybsanaha waxbarashada ee Qunsuliyadda, Ibrahim Segin, sida uu weriyay wariyaha Wakaaladda Anadolu.
Shir jaraa'id oo ay qabatay markay timid ka dib, Ozturk waxay u mahadcelisay dadkii taageeray intii ay xirnayd, iyadoo caddeysay in laga xayuubiyay xorriyaddeedii iyo waxbarashadeedii muddo 45 maalmood ah, kuna muujisay xiisaha ay u qabto inay ku laabato noloshii waxbarasho iyo la kulanka ardayda ay isku fasalka yihiin iyo macallimiinteeda.
Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa Ozturk qabtay 25-kii Maarso iyadoo u socotay inay asxaabteeda quraac la cunto, waxaana halkaas ku xiray lix xubnood oo wejiyadoodu daboolan yihiin oo ka tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE).
Bayaan uu xilligaas bixiyay, Senator Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay in fiisadeedii waxbarasho la joojiyay, isagoo ku eedeeyay inay ka mid tahay "taageerayaasha Xamaas", taasoo qayb ka ahayd olole lagu joojiyay fiisooyinka in ka badan 300 oo arday ajnabi ah sababo la mid ah awgood.
Goor dambe, Garsooraha Federaalka Denise Casper ayaa go’aan ku soo rogay in la joojiyo tarxiilidda Ozturk, iyadoo ay jireen dalabyo ka imaanayay maamulka Jaamacadda Tufts oo ahaa in la sii daayo.
Madaxa Jaamacadda, Sunil Kumar, ayaa xarigeeda ku tilmaamay mid curyaamiyay bulshada jaamacadda isla markaana walaac ka keenay amniga xarunta jaamacadda.
Go'aanka Maxkamadda Federaalka, ayaa Ozturk ka soo celiyay lix toddobaad oo xabsi ah oo ka jiray gobolka Louisiana, taasoo u suuragelisay inay ku laabato waxbarashadeeda.