Shirka 25-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Geeska Afrika ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo Soomaaliya ay guddoominayso shirka sannadkan. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Bihi Iimaan Egeh, ayaa hoggaaminaya kulanka maadaama Soomaaliya ay hayso guddoomiyanimada wareegta ee 2025.
Shirka heerkiisu sarreeyo ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga gobolka, gaar ahaan isku-xirka dhanka dijitaalka ee waddamada Geeska Afrika. Wasiirradu waxay ka wada hadlayaan sidii loo mideyn lahaa nidaamyada iyo kaabeyaasha dijitaalka si loo horumariyo isku xirnaanta, kobaca dhaqaalaha, iyo adeegyada dadweynaha.
Wasiir Bihi ayaa furitaankii shirka tilmaamay muhiimadda isbeddelka dijitaalka u leeyahay dhaqaalaha gobolka iyo shaqo abuurka, isagoo yiri: “Nidaamyada casriga ah waxay xoojin doonaan kobaca dhaqaalaha iyo wada shaqeynta dalalka Geeska Afrika.”
Madashan waxay noqotay mid muhiim ah oo lagu gorfeeyo danaha wadajirka ah, iyadoo sannadkan diiradda la saarayo hal-abuurka dijitaalka ah iyo sidii saldhig looga dhigi lahaa horumar waara oo goboleed.