Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Mudane Sh. Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aala Thaani ayaa si gaar gaar ah ula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Dr. Vincent Biruta iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ammaanka, Maamulka Deegaanka iyo Arrimaha Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Mudane Jacquemain Shabani Lukoo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Qatar iyo dalalka Rwanda iyo Congo, waxaana diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin amniga, maamulka, iyo horumarinta dhaqanka.
Kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Rwanda, Dr. Vincent Biruta, ayaa lagu lafo-guray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo maamulka. Rwanda iyo Qatar ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku saleysan iskaashi dhaqaale iyo mid siyaasadeed, waxaana kulankan uu sii xoojinayaa xiriirkaas.
Sidoo kale, kulanka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Congo, Mudane Jacquemain Shabani Lukoo, ayaa looga hadlay arrimaha maamulka deegaanka iyo ilaalinta dhaqanka. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ah dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, waxaana Qatar ay dooneysaa inay kaalin ka qaadato horumarinta waara ee dalkaasi.
Labada kulan waxa lagu lafaguray xoojinta iskaashiga iyo horumarinta hababka wada shaqeynta, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay qodobo badan oo dan u ah labada dhinac.
Kulankan ayaa muujinaya sida Qatar ay ugu heelan tahay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, maamulka, iyo horumarinta dhaqanka, taasoo qeyb ka ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Qatar.