Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo dhiggiisa Sacuudiga Faysal bin Farhan ayaa Arbacadii khadka taleefoonka kaga wada hadlay weerarada Israa’iil ee ay dooneyso inay ku carqaladeyso xasiloonida gobolka, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah.
Wadahadalkan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday weerarrada ka socda Suuriya ee wax u dhimaya tillaabooyinka loo qaaday xasilloonida dalka.
Wasiirrada ayaa isla meel dhigay in ay tahay in falalkan gardarada ah sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro.
Israa’iil ayaa Arbacadii duqeymo ka geysatay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, iyadoo bartilmaameedkeedu ahaa wasaaradda difaaca ee Suuriya iyo goobo ku dhow madaxtooyada.
Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Israa’iil ay dib u bilowday weerarrada ay ku qaadayso gobolka Suwayda ee koonfurta Suuriya, iyadoo ka digtay inay sii socon doonto haddii aanay ciidamada Suuriya ka bixin.
Ciidamada Suuriya ayaa goobta geeyay ciidamo si ay u soo celiyaan nidaamka kadib isku dhacyo dhexmaray kooxaha Druze iyo Bedouin oo hubaysan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof.
Ciidanka Israa'iil ayaa ku andacoonaya in howlgalladan ay yihiin kuwo lagu ilaalinayo dadka laga tirada badan yahay ee Druze.