CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
NISA oo digniin kama dambays ah u dirtay shacabka iyo ganacsatada bixiya baadda
Hay'addu waxay ku adkaysay in ciddii lagu helo falkaas laga qaadi doono tallaabo deg-deg ah oo sharciga waafaqsan.
NISA oo digniin kama dambays ah u dirtay shacabka iyo ganacsatada bixiya baadda
NISA ayaa sheegtay in qof kasta oo bixiya baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, uu ku dhacayo dembiyada maalgelinta Argagixisada. / TRT SOMALI
14 saacadood ka hor

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa soo saartay digniin culus oo ku socota ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, taas oo si adag looga digayo ka qayb qaadashada ama bixinta lacagaha baadda ah ee ay Al-Shabaab ugu yeeraan "Sakawaadka".

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay’addu ay waddo dabagal iyo baaritaanno qoto dheer oo ku aaddan hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxdaas.

"Qof kasta oo bixiya baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada," ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay'addu waxay ku adkaysay in ciddii lagu helo falkaas laga qaadi doono tallaabo deg-deg ah oo sharciga waafaqsan.

Ugu dambayn, NISA waxay ku boorrisay ganacsatada iyo muwaadiniinta inay si toos ah ula soo wadaagaan hay’adaha amniga ee ay khusayso wax kasta oo la xiriira isku dayo baad-qaadasho ah ama culeys ay kala kulmaan argagixisada.

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us