Dowladda Soomaaliya, oo kaashanaysa Hay’adda Diyanet ee dalka Turkiga, ayaa qorsheynaysa in la dhiso hay’ad qaran oo maamusha hantida Awqaafta (Waqfiga), tallaabadaas oo qayb ka ah iskaashiga ballaaran oo labada dal ka dhexeeya.
Arrintan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay kulan magaalada Muqdisho ku dhex maray Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Diyanet.
Wafdiga Turkiga oo uu hoggaaminayay Axmed Akca, oo ah xubin sare oo ka tirsan guddiga maamulka Diyanet, ayaa wasiirka la wadaagay sida ay uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada farsamada iyo aqoonta ee dhismaha hay’addan muhiimka ah.
Kulanka, oo ay goobjoog ka ahaayeen la-taliyeyaal sare oo wasaaradda ka tirsan, ayaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarasho ee ay Diyanet siiso ardayda Soomaaliyeed ee barata culuumta Islaamka, iyo sidii loo tayeyn lahaa shaqaalaha wasaaradda.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa soo dhoweeyay iskaashiga, isagoo hoosta ka xariiqay xiriirka faca weyn ee labada shacab.
Wada-hadalladan ayaa salka ku haya kulan hore oo muhiim ahaa oo 8-dii Juun, 2025, dhex maray Wasiir Roobow iyo Madaxa Arrimaha Diinta ee Turkiga, Prof. Dr. Ali Erbaş. Kulankaas, Prof. Dr. Erbaş wuxuu ku nuux-nuuxsaday xiriirka qotada dheer ee labada dal. "Soomaaliya waa dal Islaam ah oo aan si dhow ula shaqeyno. Iskaashigeennu waa mid aad u qiimo badan, booqashadaaduna waxay noo tahay mid qaali ah," ayuu yiri Erbaş.
Erbaş ayaa xusay in Hay’adda Diyanet (TDV) ay taageero waxbarasho siiso ardayda Soomaaliyeed, isla markaana ay kumanaan neef oo ah Udxiyada ay hilibkooda ku qeybiyeen Soomaaliya.
Dhiniciisa, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah. "Waxaan Jamhuuriyadda Turkiga uga mahadcelinayaa taageerada aan shuruudda lahayn ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Wasiir Roobow. Wuxuu intaas ku daray, “Masaajidda Soomaaliya oo dhan waxaa yaalla Musxafyo Qur’aan ah oo ay soo direen walaalaheenna Turkiga, waxaana dowladda ku jira mas’uuliyiin badan oo wax ku soo bartay dalkaas.”
Gebagebadii, wafdiga ayaa kormeer ku tagay dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, iyagoo u kuur-galay horumarka shaqo ee ka socota.