CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Duqa Magaalada Muqdisho oo qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dadaallada dowladda hoose ee ku aaddan dib-u-dhiska caasimadda, bilicda magaalada, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Duqa Magaalada Muqdisho oo qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya
Duqa Muqdisho Dr Xassan Muungaab ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Al-Otaibi. / Others
15 Luulyo 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xassan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Al-Cuteybi.

Duqa Caasimadda ayaa soo dhaweeyay Danjiraha, wuxuuna la wadaagay dadaallada ballaaran ee dowladda hoose ka waddo magaalada, oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska iyo bilicda magaalada, hagaajinta kaabeyaasha muhiimka ah sida waddooyinka, biyo-mareennada, iyo nidaamka fayadhowrka, iyo sidoo kale kor u qaadidda adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dr. Xassan Muungaab ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Carabta taageeradii ay mar walba la garab taagneyd shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labada dhinac, loona adeegsado horumarka dalka oo haatan ku jira marxalad soo kabasho.

Danjire Al-Cuteybi ayaa isna uga mahadceliyay Duqa Muqdisho soo dhaweynta diirran, isagoo xusay in Jaamacadda Carabta ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya—dowlad iyo shacab—gaar ahaan dhinacyada: kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada, horumarinta afka Carabiga, iyo dhisidda hay’adaha dowliga ah si loo gaaro isku-filnaan qaran.

XIGASHO:Others
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us