Sannadka 2025, Garoonka diyaaradaha ee Istanbul ayaa ku guuleystay abaalmarinta "Garoonka diyaaradaha ee ugu fiican adduunka" ee sanadka 2025, sida ay u codeeyeen akhristayaasha majaladda safarka ee caalamiga ah ee Travel and Leisure, taasoo qayb ka ah sahamintooda sanadlaha ah.
Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda İGA oo maamusha garoonka diyaaradaha ee Istanbul, akhristayaasha majaladda ayaa doortay liiska "10-ka garoon ee diyaaradaha ee ugu wanaagsan adduunka", waxaana garoonka diyaaradaha ee Istanbul uu kaalinta koowaad ka galay liiska markii labaad oo xiriir ah.
Xafladda abaal-marinta ayaa lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka, oo ah xarunta majaladda, waxaana madaxa tifaftirka majaladda, Jacqueline Gifford, ay abaal-marinta ku wareejisay agaasimaha xiriirka shirkadaha ee İGA, Gökhan Şengül.
Şengül ayaa khudbad uu ka jeediyay xafladda ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in garoonka diyaaradaha ee Istanbul uu helay aqoonsi caalami ah, isagoo intaa ku daray in aqoonsiga adeegyada garoonka diyaaradaha laga bixiyo heer dhaqameed "ay tahay ilo sharaf weyn", isagoo xusay in muujinta marti-soorka Turkiga iyo heerka sare, iyo sidoo kale tayada adeegyada dhaafsiisan heerarka caalamiga ah, ay xambaarsan tahay qiimo gaar ah.
Wuxuu intaa ku daray: "Guushan, kuma metelno İGA oo kaliya, laakiin waxaan sidoo kale metelnaa Istanbul, Turkiga iyo dhaqankeeda qaniga ah ee caalamka, waxaana gacan ka geysanaa xoojinta booska ay calaamaddu ku leedahay caalamka".
Qiimeynta majaladda ayaa ku saleysan qiimeynta akhristayaasha ee dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin helitaanka fudud, habraacyada isdiiwaangelinta, amniga, xulashada cuntada iyo cabitaanka, dukaameysiga iyo naqshadeynta.
Waxaa xusid mudan in garoonka diyaaradaha ee Istanbul uu markii ugu horeysay ka qeyb galay qiimeyntan sanadkii 2021, wuxuuna ahaa garoonkii ugu horeeyay ee Turkiga ah ee gala liiskan.
Garoomada kale ee sanadkan galay liiska: Garoonka Changi (Singapore), Garoonka Caalamiga ah ee Hamad (Qatar), Garoonka Caalamiga ah ee Zayed (Imaaraadka Carabta), Garoonka Caalamiga ah ee Dubai (Imaaraadka Carabta), Garoonka Caalamiga ah ee Hong Kong, Garoonka Helsinki-Vantaa (Finland), Garoonka Haneda (Japan), Garoonka Caalamiga ah ee Chhatrapati Shivaji Maharaj (India), Garoonka Caalamiga ah ee Incheon (Kuuriyada Koonfureed).