Safarkani waa kii ugu horreeyay ee Marco Rubio uu ku tago Aasiya tan iyo markii loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, iyadoo ay sii kordhayso hanjabaadaha canshuuraha ee Trump iyo cadaadis saaran xulafada si ay u kordhiyaan kharashka difaaca.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa Jimcaha lagu wadaa inay dalka Malaysia ku yeeshaan kulankoodii ugu horreeyay ee fool-ka-fool ah, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka dhalatay ganacsiga, difaaca iyo arrimo kale.
Kulanka ayaa ka dhici doona hareeraha Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Qaramada Koonfur-bari Aasiya (ASEAN) oo ka dhacaya caasimadda Kuala Lumpur, sida ay ku warantay The Washington Post.
In kasta oo aysan Mareykanka iyo Shiinaha midna xubin ka ahayn ASEAN, labada dal ayaa si firfircoon u doonaya qaramada Koonfur-bari Aasiya, in kasta oo dalal badan oo gobolka ku yaal ay ka feejigan yihiin inay dhinac raacaan.
Sida ku cad jadwalka Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Rubio iyo Wang ayaa la filayaa inay wadhadal yeeshaan galinka dambe ee Jimcaha.
Khamiista, Rubio wuxuu muujiyay ujeeddadiisa ah inuu kala hadlo Wang taageerada Beijing ee Ruushka ee dagaalka Ukraine.
“Sida muuqata, Shiinuhu wuxuu taageeray dadaalka Ruushka. Waxaan u maleynayaa in, guud ahaan, ay diyaar u ahaayeen inay caawiyaan intii karaankooda ah iyaga oo aan la qaban,” ayuu yiri Rubio wax yar ka dib markii uu wadahadallo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov.
Rubio, oo caan ku ah mucaaradnimadiisa Shiinaha intii uu ku jiray 14-kii sano ee uu ahaa sanatar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa Beijing ay ku dartay liiska madow sanadkii 2020, welina wuu ku jiraa liiska cunaqabataynta.
Wuxuu ugu dambeeyay la hadlay Wang telefoonka bishii Janaayo, wax yar ka dib markii uu xilka la wareegay xoghayaha arrimaha dibadda.