TURKIGA
2 daqiiqo akhris
M/weyne Erdogan oo la kulmay hogaamiyaha Suuriya, u ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Turkiga
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Suuriya iyo hubinta in dalka loo maamulo hal maamul oo mideysan.
M/weyne Erdogan oo la kulmay hogaamiyaha Suuriya, u ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Turkiga
Kulanka ayaa ahaa mid albaabadu u xirnaayeen. / Reuters
24 Meey 2025

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kula kulmay Madaxweynaha Suuriya Axmed al Sharaa magaalada Istanbul oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dhinac iyo is-beddellada gobolka, taasoo muujineysa isbeddelka suurtagalka ah ee xiriirka Ankara iyo Dimishiq.

Erdogan ayaa Sabtidii al Sharaa ku soo dhaweeyey xaflad rasmi ah oo ka dhacday Xafiiska Madaxtooyada ee Dolmabahce.

Wadahadalladu ayaa yimid ka dib markii Mareykanka iyo Midowga Yurub ay bilaabeen in ay Suuriya cunaqabataynta ka qaadaan, iyo booqashada al Sharaa ee Turkiga oo ah tii ugu horeysay tan iyo markii la qaaday tallaabadaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa soo dhaweeyay go’aanka, isagoo sheegay in Turkigu uu si wanaagsan u arko fududeynta cunaqabateynta.

Wuxuu sido kale ku adkeystay muhiimadda ah ilaalinta midnimada dhuleed ee Suuriya iyo hubinta in dalka loo maamulo hal maamul oo mideysan.

Erdogan ayaa muujiyay sida uu u aaminsan yahay in Suuriya ay ku socoto waddada maalmo ifaya oo nabdoon, isagoo dib u xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Turkiga.

"Sida aan marwalba ugu garab taagneyn Suuriya ilaa maanta, waan sii wadi doonnaa," ayuu yiri intii uu socday kulanka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarada joogtada ah iyo joogitaanka milateri ee Israa’iil ee ay ka wado dhulka Suuriya, isagoo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Wuxuu uu carabka ku adkeeyay in Turkigu sii wadi doono ka hortagga gardarada Israa’iil ee dhammaan goobaha caalamiga ah.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin tamarta, difaaca, iyo gaadiidka.

Erdogan ayaa carabka ku dhuftay in Turkigu ay weli ka go’an yahay mabda’a xiriirada derisnimo iyo walaaltinimo ee Suuriya.

Madaxweynaha al Sharaa, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Erdogan taageerada aadka u muhiimka ah ee Turkiga ee geedi socodka qaadista cunaqabataynta caalamiga ah, isagoo aqoonsaday dadaalkii Ankara iyo qaybtii ugu weynayd ee ay ka qaadatay isbedelka diblomaasiyadeed.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Qaranka Yasar Guler, madaxa sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin, madax ka tirsan Xafiiska Warshadaha Difaaca Turkiga Haluk Gorgun, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya Asaad alShaibani, iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan.

Kulanka ayaa ahaa mid albaabadu u xirnaayeen.

XIGASHO:TRT World & Agencies
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us