Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen albaabka laga galo xarunta guud ee taliska ciidamada Suuriya ee ku yaalla magaalada Dimishiq.
"Wax yar ka hor, ciidamada (milatariga Israa’iil) waxay weerar ku qaadeen albaabka xarunta ciidamada maamulka Suuriya ee ku taalla aagga Dimishiq ee Suuriya," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Israa’iil Arbacadii.
Telefishinka qaranka Suuriya ayaa sheegay in laba qof ay ku dhaawacmeen bartamaha magaalada Dimishiq, inkastoo aan la sheegin goobta saxda ah ee ay wax ka dhaceen.
Sidoo kale, telefishinka Suuriya ayaa sheegay in rasaas laga maqlay meel u dhow xarunta guud ee taliska ciidamada Suuriya.
Raadiyaha ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay in bartilmaameedka uu ahaa "hantida ciidamada Suuriya" ee ku taalla aaggaas.
Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u diri doonto aagga xadka ay la wadaagaan Suuriya si loo xoojiyo amniga aaggaas.
Weeraradan ayaa yimid wax yar kadib markii Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, uu ku hanjabay inuu sii wadi doono bartilmaameedsiga ciidamada Suuriya haddii aysan ka bixin gobolka Sweida, halkaas oo ay ka jiraan xiisado u dhexeeya beelaha Duruuska iyo Bedouinka.