TURKIGA
5 daqiiqo akhris
15-ka Luulyo: Habeenkii dadwaynuhu taangiyadii kaga adkaadeen Turkiga
Maanta oo ah 15-ka Luulyo, oo ku beeggan sannad-guuradii sagaalaad ee isku daygii afgambigii fashilmay ee 2016, oo ku astaysan habeenkii adkaysiga, allabariga, iyo iska caabbintii ay muwaadiniintu hoggaaminayeen taas oo beddeshay taariikhda.
15-ka Luulyo: Habeenkii dadwaynuhu taangiyadii kaga adkaadeen Turkiga
Banaanbaxayaal ayaa buux dhaafiyay waddooyinka Istanbul habeenkii Luuliyo 15, 2016, iyagoo iska caabinaya kahortagga isku daygii afgambiga ee FETÖ. / AA
15 Luulyo 2025

Waxaa laga joogaa sagaal sano tan iyo markii ay taangiyada ciidamada Militarigu ay dhex mareen buundooyinka marinka Istanbul ee Bosphorus isla markaana diyaaradaha dagaalku ay rasaas ku fureen dadka rayidka ah ee Turkiga.

15-ka Luulyo ayaa ku astaysan sannadguurada isku daygii afgambigii fashilmay kaas oo raad joogto ah ku reebay maskaxda guud ee Turkiga, siyaasadiisa iyo diblomaasiyadiisa.

253 qof, oo u badan rayid, ayaa la dilay, in ka badan 2,000 oo kalena waa ay dhaawacmeen, xilli ay iska caabinayeen isku daygii ay sameeyeen koox askar ah oo fallaagoobay oo daacad u ahaa kooxda argagixisada ee FETÖ. Waxay ku yimaadeen gawaari gaashaman, iyaga oo rasaas ku furay muwaadiniintooda.

Cid kasta oo joogtay Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn Turkiga iyo hoyga daartii weynayd ee Cusmaaniyiinta iyo masaajidyada quruxda badan, waxay ka sheekayn doontaa cabsida diyaaradaha F-16 ee jawi hoose ku duulaya ay ku beereen qalbiyadooda markay si xawli ah u soo dul marayeen iyagoo jebinaya xannibaadda dhawaaqa.

In kasta oo ay jirtey cabsidaasi, haddana kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka waaweyn, oo ay ku jirto caasimadda Ankara, iyagoo muujinaya iskaashi ay kaga hortagayaan kooxdaasi.

Markii ay caddaatay in koox askar ah ay doonayeen inay ridaan dawlad si dimoqraadi ah loo soo doortay, tobanaan kun oo qof oo Turki ah ayaa ka soo baxay guryahooda abaare 12-kii habeenimo si ay uga mudaaharaadaan isku daygii afgambiga.

Waxay ku dagaallameen goobo muhiim ah oo ku yaalla Istanbul iyo Ankara, iyagoo kula dagaallamayay afgambigayaashii buundooyinka, bannaanka dhismaha baarlamaanka, iyo goobaha kale ee muhiimka ah. Dibad-baxayaashu waxay iskaga caabbiyeen wax kasta oo ay gacanta ku dhigeen — dhagxaan, tiirar calaamadaha, iyo xitaa kabo.

Muuqaallo lagu duubay taleefannada gacanta oo naxdin leh ayaa ku faafay baraha bulshada: nin rayid ah ayaa waxaa jiiray taangi isagoo hortiisa taagan; haweeney ayaa si arxan darro ah loo toogtay; askarta bilayska, oo ay ku jiraan saraakiil dumar ah oo badan, ayaa naftooda ku waayay difaacidda xarumahooda iyo saldhigyada.

Maleegayaashii afgambiga ayaa duqeeyay dhismaha baarlamaanka ee Ankara waxayna isku dayeen inay dilaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo si dirqi ah uga badbaaday waxa qaar badan ay u arkeen isku day dil ama afduub.

Toddobaadyadii ku xigay afgambiga fashilmay, dacwad oogayaasha Turkiga ayaa soo uruuriyay caddaymo xaqiijinaya in khiyaanada uu soo abaabulay hoggaamiyaha kooxda argagixisada (FETÖ), Fetullah Gülen. Gülen, ayaa dalka Mareykanka ku dhintay 2024-kii, halkaas oo uu ku noolaa.

Shacab la beddelay

Siyaasadda iyo taariikhda Turkiga waxaa ku habsaday afgambiyo badan.

Ra’iisul Wasaarihii hore Adnan Menderes, oo ahaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo doortay, ayaa dil toogasho ah ay ku fulisay xukuumaddii ciidamada sannadkii 1961-kii, ka dib markii uu dhacay afgambigii ugu horreeyay ee militari ee dalkaasi.

Marka la gaaray 2016'-kii, militarigu wuxuu wajahayay bulsho nooc kale — bulsho si adag ugu dagaallantay codkeeda dimoqraadiyadeed isla markaana arkay mirihii dimoqraadiyadda oo ah koboc dhaqaale, kaabayaal, wado tareen dhulka hoostiisa marta, iyo horumarinta gaadiidka dadweynaha, kuwaasoo wax badan ku lahaa habeenkii 15-ka Luulyo.

Hase yeeshee, iska caabintii Turkiga ee wajiga adkaysiga kama aysan helin qaddarin qaar ka mid ah saaxiibadiisa ugu dhow — dawladaha aan ka daalin xusuusinta Ninka Taangiga ee goobta Tiananmen waxay si sahlan iska indhatireen allabarigii shacabka Turkiga.

Xulafada reer galbeedka ee Turkiga, oo ay ku jiraan waddamada xubnaha ka ah NATO, waxay aad uga gaabiyeen inay cambaareeyaan afgambiga — xaqiiqo uu Joe Biden, oo xilligaas ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, qiray intii uu ku guda jiray booqashadiisii Turkiga bil ka dib isku daygii afgambiga.

Ankara, oo door muhiim ah ka ciyaartay dagaalka ka dhanka ah Daacish isla markaana dusha iska saartay hawsha culus ee hoy u noqoshada malaayiin qaxooti Suuriyaan ah, aamusnaanta ka dhalatay afgambigii fashilmay waxay u ahayd khiyaano.

Bilihii ka dambeeyay isku daygii afgambiga fashilmay markii dacwad oogayaasha iyo maxkamadaha Turkiga ay bilaabeen inay dacwado ku soo oogaan afgambigayaashii, qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Yurub ayaa bilaabay inay walaac ka muujiyaan xuquuqda eedaysanayaasha. Tani waxay ka sii xanaajisay hoggaanka Turkiga.

Maraykanka, oo ah xulafada dhow ee Turkiga tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, wax yar ayuu ka qabtay baaritaanka Ururka Argagixisada ee Fetullah (FETÖ). Fetullah Gülen, oo ah madaxa FETÖ, ayaa ku noolaa gobolka Pennsylvania ilaa uu ka dhintay, iyadoo shabakadiisa ganacsi ee ballaaran ee Maraykanka aan lala xisaabtamin.

Turkigu wuxuu sheegay inuu Washington u gudbiyay dhammaan caddaymaha lagama maarmaanka ah si ay u bilowdo dacwad sharci ah oo ka dhan ah hoggaamiyaha (FETÖ).

In kasta oo aanay jirin taageero ka timid xulafada reer Galbeedka, haddana dadka Turkigu waxay muujiyeen go'aan qaali ah oo ay ku difaacayaan dimuqraaddiyaddooda.

In badan oo ka mid ah muwaadiniinta Turkiga oo si aan hore loo arag uga soo horjeestay askartii fallaagada ahayd, waxay si wadajir ah u direen farriin ah in aan mar dambe la aqbali doonin falalka noocaas ah.

Maqaalkan waxaa markii hore la daabacay 2021 waxaana la cusboonaysiiyay si uu u noqdo mid sax ah oo khuseeya.

XIGASHO:TRT World
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us