Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka, kaddib markii ay dib u furtay safaaradda Dar es Salaam, isla markaana ay saxiixday sagaal heshiis iskaashi ah oo ay la gashay dowladda Tanzania.
Heshiisyadaas ayaa waxaa ku jiro dhinacyo muhiim ah sida waxbarashada, amniga, duulista rayidka, iyo ganacsiga. Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Ilyas Cali Xasan, ayaa sheegay in hadda la guda galay wajigii hirgelinta heshiisyada.
Mid ka mid ah guulaha la gaaray ayaa ah heshiis cusub oo duulimaad toos ah u oggolaanaya diyaaradaha u kala goosha Muqdisho iyo Dar es Salaam dhammaadka sannadkan.
Tanzania waxay sidoo kale qaadan doonta arday Soomaaliyeed oo baranaya injineernimada iyo caafimaadka laga bilaabo Janaayo 2026, halka Jaamacadda Dar es Salaam ay diyaarinayso barnaamijyo afka Kiswahiliga ah oo laga hirgelin doono dugsiyo ku yaal Kismaayo iyo Beledweyne.
Waxaa sidoo kale la qorsheeyay tababarro ku saabsan ilaalinta xeebaha oo ka dhici doona magaalada Tanga bisha November. Dowladda Soomaaliya ayaa xoojinaysa xiriirrada kala dhexeeya waddamada deriska ah sida Rwanda, Malawi, Comoros iyo Mauritius, si loo dhiso dal mideysan, xor ah, oo ganacsiga u furan.