Ruushka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu siiyo taageero kala duwan Iiraan xilli xiisadaha Bariga Dhexe ay sii kordhayaan, balse waa haddii ay dalbato Tehran, sida uu sheegay Kremlin-ka.
“Waxaan soo bandhignay dadaalladayada dhexdhexaadinta. Tanise waa mid gaar ah oo aan ku caddeynayno mowqifkayaga, taas oo ah garab muhiim ah oo taageero ah oo loo fidinayo dhinaca Iiraan,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo la hadlayay saxaafadda Isniintii.
Israa’iil iyo Iiraan ayaa dagaal cirka ah ku jiray tan iyo 13-kii Juun, markii Tel Aviv ay weerar lama filaan ah ku qaaday dhowr goobood oo ku yaalla Iiraan, oo ay ku jiraan xarumo ciidan iyo kuwa nukliyeer ah, taas oo keentay in Tehran ay qaaddo weerarro aargudasho ah.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa Axaddii hore duqeeyay saddex xarumood oo waaweyn oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in burbur xooggan loo geystay xarumahaas, isla markaana la baabi’iyey.
Mar wax laga weydiiyey kulammada u dhexeeya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi oo ka dhacay Moscow, Peskov wuxuu sheegay in wadahadalladaasi ay fursad siin doonaan labada dhinac inay is dhaafsadaan aragtiyo, sidoo kalena Tehran ay Moscow uga warbixiso talooyinkeeda iyo aragtideeda ku aaddan xaaladda hadda taagan.
‘Hannaan madax-bannaan’
Peskov wuxuu sheegay in ay jirto koror ku yimid tirada dhinacyada ku lug leh xiisadda hadda taagan, isagoo yiri: "Dabcan, waxaan cambaareyneynaa arrintan waxaana muujineynaa sida aan uga xunnahay waxa dhacaya."
Wuxuu sheegay in arrinta Iiran ay marar badan ka wadahadleen Putin iyo Trump wadahadalkoodii u dambeeyay, balse Madaxweynaha Ruushka aan lagu wargelin weerarradii Axaddii dhacay.
“Waxaan aaminsanahay in masiirka hoggaanka waddan ay tahay inay go'aan ka gaaraan dadka dalkaas, balse aanay marnaba go'aamin karin dalal saddexaad ama hoggaamiyeyaasha dalal kale,” ayuu yiri Peskov, isagoo ka jawaabayay su'aal ku saabsan hadalladii Trump ee ku saabsanaa isbeddelka awoodda ee Iiraan.
Wuxuu sheegay in weerarrada Mareykanka ee Iiraan aysan saameyn ku yeelan doonin wadahadallada u dhexeeya Moscow iyo Washington maadaama ay yihiin "hannaanno kala madax-bannaan."
“Weli lama oga xaalka xarumaha nukliyeerka, iyo in ay jirto khatar shucaac. In kasta oo aan maqalnay bayaan ka soo baxay IAEA (Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka) oo sheegaysa in aysan jirin calaamado muujinaya dikhow shucaac ah. Laakiin dhammaan su'aalahan, dabcan, waa kuwo keeni kara walaac sharci ah,” ayuu raaciyay Peskov.