Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Itoobiya (NISS) ayaa Talaadadii shaacisay in ay xireen 82 qof oo looga shakisan yahay inay xubno ka yihiin ururka argagixisada Daacish (ISIS).
War-saxaafadeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay lagu tababaray maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kadibna loo kala diray qaybo kala duwan oo ka mid ah Itoobiya.
Howlgallada lagu qabtay eedeysanayaashan ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, iyo gobollada Oromia, Amxaarada, Soomaalida iyo Harar. Magaalooyinka waaweyn ee howlgalka laga fuliyey waxaa ka mid ahaa Adama, Jimma, Shashemene iyo Jigjiga.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qaar ka mid ah dadka la xiray lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ururinta xogta sirdoonka, maalgelinta, iyo taageerada logistikada ee ururka Daacish.
Hay’addu waxay sidoo kale xustay in shacabka deegaannadaasi door muhiim ah ka ciyaareen qabashada iyo baaritaanka eedeysanayaasha, islamarkaana baaritaannada weli socdaan.