Wasiirka arrimaha dibadda Nigeria ayaa sheegay in Mareykanka uu cadaadis ku saarayo dalalka Afrikaanka ah si ay u aqbalaan dadka laga soo masaafuriyay Venezuela.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii martiqaaday madax ka socday shan dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo kala ah Senegal, Liberia, Gabon, Guinea-Bissau, iyo Mauritania.
Intii lagu guda jiray kulanka, maamulka Mareykanka ayaa ka codsaday madaxda Afrikaanka ah inay aqbalaan dadka laga soo masaafuriyay, sida ay sheegeen warar kala duwan.
Dhowr maalmood ka hor, Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa ka qayb galay Shirka BRICS ee ka dhacay Brazil, iyadoo dalkiisu xubin ka yahay. Shirka ka dib, Trump ayaa ka digay in dalalka ku xiran ururka dhaqaale ee BRICS ay la kulmi doonaan canshuur 10% ah, isagoo ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan ka soo horjeedka Mareykanka.
“Arinta canshuuraha waxaa laga yaabaa inaysan daruuri aheyn inay wax ka qabato ka qeyb qaadashadeena BRICS. Waxaad sidoo kale ogaataa in Mareykanka uu cadaadis xoogan saarayo dalalka Afrikaanka ah si ay u aqbalaan Venezuelan-ka laga soo masaafuriyay Mareykanka, qaar toos uga soo baxay xabsiga. Waxay ku adkaan doontaa dal sida Nigeria inay aqbasho maxaabiista Venezuelan-ka ah ee Nigeria,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Yusuf Tuggar u sheegay Channels Television oo maxalli ah Khamiista.
Wasiirka Nigeria ayaa carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu leeyahay “dhibaatooyin ku filan” oo u gaar ah.
"Ma aqbali karno muwaadiniinta Venezuela ay soo masaafurisay... Waxaan nahay 230 milyan oo qof,' ayuu yiri Yuusuf Tuggar."
Sidoo kale, Tuggar ayaa sheegay in wadahadalladu ka socdaan dalal kale.
“Waxaan u malaynayaa inay caddaalad-darro noqon doonto in la adkeysto in Nigeria ay aqbasho 300 oo qof oo laga soo masaafuriyay Venezuela. Waxaa laga yaabaa, taas xitaa inay noqoto bilowga waxyaabo kale,” ayuu raaciyay.