Mareykanka ayaa bilaabay inuu ukun ka soo dhoofiyo Turkiga iyo Kuuriyada Koonfureed, si loo yareeyo saameynta xanuunka 'avian flu' (bird flu) oo sababay kororka qiimaha ukunta iyo hoos u dhaca sahayda gudaha, sida ay xaqiijisay Xoghayaha Beeraha ee Mareykanka ee Madaxweyne Donald Trump.
Qiimaha ukunta ayaa sare u kacay kaddib markii xanuunka 'bird flu' uu dhowr jeer ka dillaacay gudaha Mareykanka, taas oo ku qasbtay beeraley badan inay laayaan ugu yaraan 30 milyan oo shimbiro ah, taasoo si weyn u xaddiday sahayda.
Soo dejinta ukunta oo durba socota
Brooke Rollins, oo ah Xoghayaha Beeraha, ayaa Jimcihii warbaahinta ugu sheegtay magaalada Washington in soo dejinta ukunta ee laga keeno Turkiga iyo Kuuriyada Koonfureed ay durba bilaabatay, islamarkaana Aqalka Cad uu wadahadallo la yeelanayo dalal kale oo suurtagal ah si loo kordhiyo sahayda ugu yaraan si ku meel gaar ah.
"Waxaan ka hadlaynaa boqollaal milyan oo ukun ah muddada gaaban," ayay tiri Rollins.
Xaaladda ukunta oo isku badashay arrin siyaasadeed
Qiimaha sare ee ukunta ayaa noqday arrin siyaasadeed oo lagu kasbado taageero, gaar ahaan intii lagu jiray ololaha doorashada ee Donald Trump, kaasoo ka faa’iideystay niyad-jabka cod-bixiyayaasha ee la xiriira sicirka sare ee cuntooyinka, xilligii madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden.
Tan iyo markii uu Trump dib ugu laabtay xafiiska bishii Janaayo, wuxuu u xil-saaray Rollins in la kordhiyo sahayda ukunta, lana dejiyo qiimaha.
Dalal badan oo lala xiriiray si loo helo ukun
Asbuucyadii la soo dhaafay, dalal badan ayaa soo warinayay xiisaha Mareykanka ee iibsiga ukunta, iyadoo ururrada digaagga ee Poland iyo Lithuania ay u sheegeen AFP in ay la soo xiriireen diblomaasiyiin Mareykan ah si ay u helaan ukun cusub.
Katarzyna Gawronska, Agaasimaha Rugta Qaranka ee Soo Saarayaasha Digaagga iyo Cuntada ee Poland, ayaa sheegtay, "Waxaa wadamo badan ka jira yaraanta ukunta. Su’aasha muhiimka ah waxay noqon doontaa shuruudaha dhaqaale ee ay Mareykanku bixin doonaan."
Soo dhoofinta oo ah tallaabo ku meel gaar ah
Rollins ayaa sheegtay in soo dejinta ukunta ay noqon doonto mid ku meel gaar ah, isla markaana la joojin doono marka beeraleyda Mareykanka ay awoodaan inay dib u kordhiyaan soosaarka gudaha.
"Marka bulshadeenna digaagga dib loo buuxiyo, dhaqaalaha ukunta dib ayuu u soo laabanayaa. Rajadeennu waa in dhowr bilood gudahood aan dib ugu laabanno wax-soo-saarka gudaha," ayay tiri Rollins.