Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenkiisa Garba Shehu, qoyska madaxweynihii hore ayaa Axadda ku dhawaaqay in madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, uu ku geeriyooday London isagoo 82 jir ah, ka dib xanuun hayey muddo gaaban.
“INNA LILLAHI WA INNA ILAIHIRRAJIUUN. Qoyska madaxweynihii hore ayaa ku dhawaaqay in madaxweynihii hore, Muhammadu Buhari, ayaa galabnimadii maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla London. Ilaahey haka waraabsho jannatul Firdows, Aamiin", ayuu yiri Shehu, oo ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Buhari, ayaa ku xaqiijiyay qoraal uu ku baahiyay X (Twitter).
Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in Madaxweyne Ku-Xigeenka, Kashim Shettima, uu u safro dalka Ingiriiska si uu usoo qaabilo meydka Madaxweynihii hore, Buhari.
"Madaxweyne Tinubu waxa kale oo uu amray in dhammaan calammada dalka Galbeedka Afrika laga taago bar-dhig iyadoo dalku ka baroor-diiqayo geerida Buhari. Madaxweyne Tinubu waxa uu la hadlay Marwo Aisha Buhari, oo ahayd xaaska madaxweynihii hore, waxaana uu u diray tacsi tiiraanyo leh," ayuu yiri La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Tinubu ee dhanka Warfaafinta iyo Istaraatiijiyadda, Bayo Onanuga.
Buhari waxaa loo doortay madaxweynaha Nigeria laba xilli oo isku xiga, isaga oo ku guuleystay doorashooyinkii 2015 iyo 2019.