Ciidanka Suudaan ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) magaalada El-Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Daarfuur.
War kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in cutubyo ka tirsan Guutada 6-aad ee Lugta oo ay wehliyaan xoogag kale ay "khasaare culus gaarsiiyeen RSF, dhinaca dadka iyo qalabka dagaalka."
Dhanka kale, guddiyada caafimaadka ayaa soo sheegay in sideed qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeyn madaafiic ah oo RSF ay ku garaacday xero barakacayaal oo lagu magacaabo Abu Shouk oo ku taalla magaalada.
Qolka gurmadka degdegga ah ee xerada ayaa bayaan ku sheegay in "duqeyn culus oo ay RSF ku adeegsaneyso madaafiic waaweyn" ay maanta ku dhacday aaggaas.
Waxaa intaas dheer in weerarka uu sababay dhaawacyo badan iyo burburka guryo ku yaalla xerada barakacayaasha.
Dhanka kale, RSF ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadan.
El-Fasher waa xarun muhiim ah oo loogu talagalay howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee Daarfuur, balse waxay ku jirtay go’doon adag oo ay RSF kusoo rogtay iyo dagaallo soo noqnoqday muddo ka badan sannad, inkastoo dadaallo caalami ah lagu doonayay in xabbad-joojin bini’aadantinimo lagu gaaro si gargaarka loo gaarsiiyo, kuwaas oo ilaa hadda fashilmay.
Ciidanka iyo RSF ayaa dagaal ku jiray tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo qof, halka 14 milyan oo qofna ay ku barakaceen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah. Cilmi-baaris laga sameeyay jaamacado Mareykan ah ayaa sheegaysa in tirada dhimashada ay ku dhowdahay 130,000.