CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Mali oo cambaareysay dalka Czech oo fiisada u diidday kooxda kubadda kolayga haweenka 19-jirrada
Mali ayaa laga reebay tartanka sababo la xiriira fiisooyinka ciyaartoydeeda, taasoo ka dhigan in Nigeria ay tahay xulka kaliya ee Afrikaan ah ee ka qeyb galaya tartanka.
Mali oo cambaareysay dalka Czech oo fiisada u diidday kooxda kubadda kolayga haweenka 19-jirrada
Tartanka kubbadda kolayga ayaa ka socda Czech Republic laga bilaabo 12 ilaa 20 Luulyo. / AA
15 Luulyo 2025

Maalintii Isniinta, Mali ayaa si adag u cambaareysay diidmada Jamhuuriyadda Czech oo fiisaha dal-ku-galka u diiday kooxda kubadda kolayga haweenka ka yar 19 sano si ay uga qeyb galaan Koobka Adduunka ee FIBA.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mali ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay cabasho xooggan magaalada Prague iyada oo dirtay farriin ku saabsan diidmada fiisaha.

Kooxda kubadda koleyga ee Mali ayaa qorsheysneyd inay ka qeyb gasho Koobka Adduunka ee Kubadda Koleyga Haweenka ee FIBA oo ka dhici lahaa magaalada Brno ee koonfurta Jamhuuriyadda Czech intii u dhaxeysay 12-20 Luulyo.

FIBA ayaa sheegtay in loo soo sheegay in wafdiga Mali aysan awoodin inay u safraan Brno sababo la xiriira caqabad fiisaha dal-ku-galka.

Kulamadii Mali ay la ciyaari laheyd Australia, Faransiiska, iyo Brazil ayaa la joojiyay, taasoo Nigeria ka dhigtay kooxda kaliya ee Afrika ka socota tartankan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhacdadan aad looga xumaaday ay ka hor istaagtay kooxda Mali inay ka qeyb galaan tartankan caalamiga ah, halkaas oo aysan ku mataleyn dalkeenna oo kaliya, balse guud ahaan qaaradda Afrika.

Mas’uuliyiinta Czech wali wax bayaan ah kama soo saarin arrintan.

Iyadoo diidmada fiisaha loo aqoonsaday inay tahay “ficil aan saaxiibtinimo ahayn” iyo “jebinta waajibaadka” dalalka martigelinaya dhacdooyinka caalamiga ah, wasaaradda ayaa ku boorisay mas’uuliyiinta Czech inay caddeeyaan dhammaan macluumaadka ku saabsan dhacdadan “nasiib darrada ah.”

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us