Madaxweynaha Turkiga ayaa Jimcihii caasimadda Ankara kulan kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, waxayna ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka, sida uu Jimcihii sheegay Agaasinka Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga.
Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen oo u dhaxeeyay Recep Tayyip Erdogan iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada, sida Agaasinka Warfaafintu ku shaacisay bartooda X.
Intii uu socday kulanka ayuu Erdogan sheegay in iskaashiga labada dal uu sii kobcayo, islamarkaana la qaadi doono tallaabooyin lagu sii horumarinayo xiriirka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Ankara ay sii wadi doonto garab istaaga shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Argagixisada, waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay midnimo qaran ku wajahdo dadaalada ka dhanka ah Argagixisada.