Guddiga Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed (Media Council of Somalia - MCS) ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga qeyb galay Shir-Weynihii Labaad ee Pan-African Media Councils, oo lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, intii u dhaxeysay 14–17 Luulyo, 2025.
Shirkan heerkiisu sareeyo oo uu si rasmi ah u furay Madaxweyne ku-xigeenka Tansaaniya, Dr. Philip Isidor Mpango, ayaa waxaa iskugu yimid wakiillo ka kala socday in ka badan 30 dal oo Afrikaan ah, iyo sidoo kale daneeyayaal caalami ah, si ay uga wada hadlaan mustaqbalka warbaahinta Afrika iyagoo diiradda saaray: "Hormarinta Xeerarka Warbaahinta iyo Isgaarsiinta si Afrika u Hesho Saxaafad Tayo Leh."
Soomaaliya waxaa shirka ku matalay Abdiqani Cabdullahi, waxaana markii ugu horreysay la siiyay xubin kormeere ah, taasoo ah tallaabo muhiim u ah geeddi-socodka ku biirista ururrada caalamiga ah sida: World Association of Press Councils iyo Network of Independent Media Councils in Africa (NIMCA).
Mr Abdullahi ayaa sheegay in Guddiga Warbaahinta Soomaaliyeed uu si rasmi ah u bilaabay dalabka ku biirista ururada caalamiga ah ee warbaahinta, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay qaadato heerarka sare ee caalamiga ah ee maareynta warbaahinta, si loo dhiirrigeliyo saxaafad anshax leh, madax-bannaan, isla markaana loo xoojiyo isla-xisaabtanka.
Intii lagu jiray shirka, wakiilka Soomaaliya wuxuu kulammo miro-dhal ah la yeeshay wakiillo ka kala socday ururro warbaahineed oo Afrikaan iyo caalami ah, isagoo si diirran loo soo dhaweeyay. Is-dhexgalkaasi wuxuu muhiim u yahay dhisidda iskaashi waara iyo is-weydaarsiga aqoonta, xilli ay warbaahinta Afrika wajahayso caqabado cusub sida: isbeddelka dhijitaalka ah, sirdoonka macmalka ah (AI), iyo faafinta wararka been abuurka ah.
Doodaha ugu waaweyn ee shirka waxay diiradda saareen: Saameynta garaadka macmalka ah (AI) ku leedahay saxaafadda, ilaalinta xogta shaqsiga iyo asturnaanta dijitaalka ah, siyaasadaha wax-ku-oolka ah ee lagula tacaalayo wararka khaldan (misinformation iyo disinformation) iyo Xeerar warbaahineed la jaan qaada tiknoolajiyadda cusub iyadoo la ilaalinayo xorriyadda saxaafadda.
Dhanka kale, UNESCO ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay la shaqaynta waddamada Afrika si loo xoojiyo nidaamka xeer-dejinta warbaahinta.