Madaxa hay'adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, Rafael Grossi, ayaa sheegay in Iiraan ay u badan tahay inay awooddo inay bilowdo soo saarista uranium la kobciyey "wax ka yar dhowr bilood gudahood," inkastoo ay jiraan waxyeellooyin soo gaaray xarumo badan oo nukliyeer ah kuwaasoo ka dhashay weerarro ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa'iil, sida ay Sabtidii ku warrantay CBS News.
Israa'iil ayaa weerarro ka fulisay gudaha Iiraan 13-kii Juun, iyada oo sheegtay in ujeedadu ahayd in laga hortago inay horumariso hub nukliyeer ah — arrintaas oo ay Tehran si joogto ah u beenisay. Mareykanka ayaa sidoo kale duqeeyay saddex xarumood oo muhiim ah oo loo adeegsan jiray barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in waxyeellada soo gaartay xarumaha nukliyeerka ay tahay "mid culus," hase yeeshee aan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku adkaystay in barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan dib loo dhigay "toban sano ama ka badan."
Si kastaba ha ahaatee, Grossi, oo ah agaasimaha guud ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA), ayaa sheegay in "qaar ka mid ah xarumaha ay weli bed qabaan."
"Waxaan oran karaa, waxay awood u yeelan karaan wax ka yar dhowr bilood gudahood, inay helaan dhowr qalab oo centrifuges ah oo shaqeynaya oo soo saaraya yuraniyumka la hodmiyay," ayuu yiri Grossi Jimcihii, sida ku cad qoraalka wareysiga oo la sii daayay Sabtidii.
Su'aal kale oo muhiim ah ayaa ah in Iiraan ay awood u yeelatay inay weerarrada ka hor rarto qaar ama dhammaan keydkeeda uranium-ka la hodmiyay oo lagu qiyaasay 408.6-kilo (900-rodol). Uranium-kan ayaa la hodmiyay ilaa 60 boqolkiiba — heer ka sarreeya isticmaalka rayidka ah balse weli ka hooseeya heerka hub ahaan loo adeegsan karo. Haddii la sii nadiifiyo, waxaa suurtagal ah in laga sameeyo in ka badan sagaal bam oo nukliyeer ah.
Grossi ayaa qiray wareysi uu siiyay CBS: "Ma naqaan meesha alaabtaan lagu kaydiyay."
"Waa laga yaabaa in qaar ka mid ah ku burburay weerarka, balse qaar kale ayaa laga yaabaa in la raray. Sidaas darteed, waa in mar uun la caddeeyo arrintan," ayuu yiri wareysiga.
Hadda, xildhibaanada Iiraan ayaa u codeeyay inay joojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin IAEA, halka Tehran ay diiday codsiga Grossi ee booqashada goobaha waxyeelladu soo gaartay, gaar ahaan Fordow, oo ah xarunta ugu weyn ee uranium-ka lagu kobciyo.
"Waxaan u baahannahay inaan awood u yeelano inaan xaqiijino, inaan caddeyno waxa meesha yaalla, halka uu yaallo iyo waxa dhacay," ayuu yiri Grossi.
Wareysi kale oo uu siiyay barnaamijka "Sunday Morning Futures" ee Fox News, Trump ayaa sheegay inuusan u malaynin in keydka la raray.
"Waa arrin aad u adag in la sameeyo, oo weliba ma siin waqti badan oo digniin ah," ayuu yiri, sida ku cad qaybaha wareysiga. "Waxba ma aysan rarin."
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Sabtidii adkeeyay taageerada Washington ee "hawlaha muhiimka ah ee xaqiijinta iyo kormeerka ee IAEA ee Iiraan," isaga oo ku ammaanay Grossi iyo hay'addiisa dadaalkooda iyo xirfaddooda.