Imisuu ku kacay khasaaraha dagaalkii 12 maalmood ee u dhexeeyay Mareykanka, Israa'iil iyo Iiraan?
Imisuu ku kacay khasaaraha dagaalkii 12 maalmood ee u dhexeeyay Mareykanka, Israa'iil iyo Iiraan?Sida ay khuburadu sheegayaan, dagaalkii koobnaa balse xoogganaa ayaa sababay khasaare dhaqaale oo ballaaran oo soo gaaray Iiraan iyo Israa'iil, iyadoo ganacsiga caalamiga ah uu hakad galay, lana filayo in saameyntiisu ay daba dheeraato.
Wararka rasmiga ah ee Israa'iil ayaa sugay dhisme ku burburay weerarka Iiraan ee Beersheba, Israa'iil, Juun 25, 2025. (Sawirka/Ariel Schalit) / AP
Waxaa qoray Murat Sofuoglu
26 Juun 2025

Heshiis xabbad-joojin ah oo uu dhexdhexaadiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo khasaaraha dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan uu si tartiib ah u soo ifbaxayo. Laga soo bilaabo burburka kaabayaasha ilaa iyo burburka dhaqaale, labada dhinacba waxay hadda xisaabinayaan khasaaraha dagaalkan oo laga yaabo inuu mar kale qarxo.

Sida dagaalladii hore ee Bariga Dhexe, sida Dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1967 iyo Dagaalkii Yom Kippur ee 1973, isku dhaca bilowday 13-kii Juun wuxuu lahaa calaamad gaar ah. Dagaalkan oo socday 12 maalmood wuxuu xambaarsanaa muhiimad tiro ahaaneed: Israa’iil oo ah qaran ka kooban 12 qabiil, iyo Iiraan oo leh dhaqanka Shiicada Labo-iyo-Tobanaadka, taas oo lambarkan ka dhigtay mid leh muhiimad dhaqan.

Inkastoo xabbad-joojintu ay socoto, sirdoonka Mareykanka ayaa soo jeedinaya in dagaalku uu dib u qarxi karo. Si ka duwan hadalka Madaxweyne Trump ee ahaa in gebi ahaanba la burburiyay awoodaha nukliyeerka Iiraan, kaydka uranium-ka Iiraan ayaa u muuqda kuwo inta badan aan waxba iska beddelin.

Dagaalkan 12-ka maalmood socday wuxuu sidoo kale khasaare culus u geystay Iiraan iyo Israa’iil, wuxuu carqaladeeyay silsiladaha sahayda ee gobolka, wuxuuna saameyn ku yeeshay suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah.

Khasaaraha Iiraan

“Dagaalkii 12-ka maalmood ee u dhexeeyay Iiraan iyo Israa’iil bishii Juun wuxuu sababay khasaare dhaqaale oo ba’an oo saameeyey guud ahaan gobolka, inkastoo culayska uu si aan sinnayn u saameeyay dhinacyada,” ayuu yiri Andreas Krieg, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga difaaca oo ka tirsan King’s College London iyo agaasimaha MENA Analytica.

Iiraan, oo horeyba muddo dheer ah ay u saarneyd cunaqabateyn reer Galbeed, ayaa qaadday culayska ugu weyn. Krieg, oo la hadlayay TRT World, ayaa qiyaasay in khasaaraha tooska ah iyo midka dadban uu u dhexeeyo $24–$35 bilyan, taasoo u dhiganta qiyaastii 6.3 – 9.2% GDP-ga Iiraan oo lagu qiyaasay $380 bilyan.

Weerarada Mareykanka iyo Israa’iil ayaa dhaawacay kaabayaasha nukliyeerka Iiraan waxayna hoos u dhigeen dhoofinta saliidda Tehran. Burburka ku yimid xarumaha tamarta iyo kuwa milatariga ayaa sii xoojinaya waxyeellada dhaqaale ee Iiraan waxayna dib u dhigayaan soo kabashadeeda dagaalka kadib.

“Dagaalku wuxuu sii xoojiyay caqabadaha maaliyadeed iyo bulsho ee Iiraan, isagoo saameyn waarta ku yeelanaya xasilloonida gudaha,” ayuu yiri Aimen Jamil, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Iiraan oo ku sugan Islamabad.

Khasaaraha Israa’iil iyo Mareykanka

Israa’iil waxay ku bixisay qiyaastii $5 bilyan toddobaadkii ugu horreeyay ee weerarada Iiraan, iyadoo kharashka maalinlaha ah ee dagaalka uu gaarayay $725 milyan—$593 milyan oo loogu talagalay weerarada iyo $132 milyan oo loogu talagalay difaaca iyo abaabulka.

Nidaamyada lidka gantaalaha oo keliya ayaa Israa’iil ugu kacayay inta u dhaxaysa $10 milyan ilaa $200 milyan maalintii, sida laga soo xigtay The Wall Street Journal. Haddii dagaalku uu socon lahaa hal bil oo buuxda, kharashka guud wuxuu gaari lahaa in ka badan $12 bilyan, sida uu qiyaasay Machadka Siyaasadda Dhaqaalaha ee Aaron.

Inkastoo Israa’iil ay dhaqaale ahaan ka adkaysi badan tahay, haddana ma aysan ka badbaadin waxyeellada, sida uu sheegay Krieg. Wuxuu qiyaasay in khasaarahu uu gaarayo $11.5 bilyan ilaa $17.8 bilyan, ama 2.1–3.3% GDP-ga Israa’iil oo lagu qiyaasay $540 bilyan.

“Tiradan waxaa ku jira kharashaadka milatari, burburka kaabayaasha, iyo ka hortagga in ka badan 400 gantaal oo Iiraan soo ridday,” ayuu yiri Krieg. “Balse marka laga soo tago kharashaadka tooska ah, waxaa jira lakab qoto dheer oo carqalado ah. Waaxda tiknoolajiyada sare ee Israa’iil, oo mas’uul ka ah 64% dhoofinta iyo shan meelood meel GDP-ga, ayaa la kulantay yaraanta shaqaalaha iyadoo kumanaan keyd ah laga saaray shaqooyinkii muhiimka ahaa.”

Xiritaanka ganacsiga, hakinta duulimaadyada ganacsiga, iyo yaraanta shaqaalaha beeraha iyo dhismaha ayaa sii xoojiyay culayska dhaqaale. Kharashaadka fursadaha lumay, oo ay ku jiraan maalgashiyo hakaday iyo mashaariic waaweyn oo dib loo dhigay, ayaa waxay yeelan karaan saameyn waarta,” ayuu yiri Krieg.

Waxaa sidoo kale bilaabmay qax aan qarsooneyn. Dhammaan arrimahan ayaa keenay in dowladda dagaal-doonka ah ee Israa’iil uu culeys soo wajaho, iyadoo “qax ballaaran” uu ka bilowday muwaadiniinta laba dhalasho leh ee Israa’iil, kuwaas oo ka walwalsan soo noqnoqoshada iyo gaarsiinta weerarada gantaalaha goobaha istiraatiijiga ah sida warshadaha saliidda iyo magaalooyinka waaweyn, sida uu sheegay Krieg.

Xafiiska Tirakoobka Dhexe ee Israa’iil ayaa qiyaasay in in ka badan 80,000 Israa’iiliyiin ah ay dalka ka tageen 2024-kii, taasoo noqoneysa tiradii ugu badneyd tan iyo markii la aasaasay dowlad Yuhuud ah 19480-kii. Ku dhawaad nus milyan ayaa ka tagay tan iyo Oktoobar 7, 2023.

In ka badan 10,000 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la daadgureeyay toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka, iyadoo in ka badan 36,000 ay dalbadeen magdhow, sida laga soo xigtay Waaxda Cashuuraha Israa’iil.

Iyadoo miisaaniyadda dowladda ay sii ballaaranayso, dowladda ayaa ka fiirsaneysa dhimista kharashaadka, kordhinta cashuuraha, ama kordhinta deymaha, taasoo keeni karta in deymaha dadweynaha ka dhigi karta mid ka badan 75% GDP-ga.

Wasaaradda Maaliyadda, oo ka digeysa kaydka sii yaraanaya, ayaa codsatay $857 milyan oo loogu talagalay difaaca iyadoo soo jeedisay $200 milyan oo laga dhimo caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada bulshada.

Dhanka kale, tallaabo muran dhalisay, dowladda Israa’iil ayaa dhawaan soo rogtay xayiraad safar oo lagu soo rogay muwaadiniinta Yuhuudda, si loo yareeyo qaxan sii kordhaya.

Khuburada ayaa u arka arrintan inay tahay calaamad muujinaysa amni-darro sii kordheysa iyo dhaawac sumcadeed oo ka dhashay dagaallada kala duwan ee Israa’iil ku lug yeelatay. Khasaaraha rayidka ee Qaza, Lubnaan, iyo hadda Iiraan ayaa horseeday cambaareyn caalami ah oo ka dhan ah xukuumadda Netanyahu, oo ay ku jiraan eedeymo ah in ay ku dhaqmeyso ficillo xasuuq ah.

“Kalsoonida maal-gashadayaasha iyo taageerada qurbajoogta ayaa sii yaraanaysa,” ayuu yiri Krieg. “Dareenka ah in dowladdu aysan mar dambe dammaanad qaadi karin amniga iyadoo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare sii kordhinaya halis-gelinta ayaa sii faafaya,” ayuu yiri Krieg.

Inkastoo Israa’iil ay “soo gaartay khasaare la taaban karo” sababo la xiriira hawlgallada milatari ee dhinacyo badan iyo burburka kaabayaasha ee ka dhashay weerarada Iiraan, taasoo sii kordhisay culayska dhaqaale ee hawlgallada ka socda Qaza, haddana “dhaqaalaha adkeysiga leh iyo kaydka ballaaran ee Israa’iil ayaa ka difaacay xasillooni-darro degdeg ah,” ayuu Jamil u sheegay TRT World.

Marka la is barbardhigo Iiraan iyo Israa’iil, hawlgalka Mareykanka ee ‘Operation Midnight Hammer’ wuxuu Mareykanka ugu kacay “waxyeelo dhaqaale oo yar” oo u dhaxaysa $1 ilaa $2 bilyan, taasoo u dhiganta boqolley aad u yar oo ka mid ah dhaqaalaha Mareykanka oo lagu qiyaasay $28 tirilyan, sida uu sheegay Krieg.

Mareykanka wuxuu hawlgeliyay 125 diyaaradood wuxuuna riday tobanaan gantaalaha burburiya dhulka hoostiisa iyo Tomahawk oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha muhiimka ah ee nukliyeerka Iiraan, gaar ahaan Fordow, Natanz, iyo Isfahan.

“Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay jirto waxyeelo dhaqaale oo toos ah oo yar, haddana waxyeellada istiraatiijiga ah ee Mareykanka ayaa kordhi karta haddii uu si qoto dheer ugu lug yeesho xurguftan. Xasillooni-darrada gobolka, isbeddelka suuqyada saliidda caalamiga ah, iyo aragtida ku-meel-gaadhka ah ee dibloomaasiyadda Maraykanka ayaa khatar ku noqon karta maqaamka muddada-dheer ee Washington ee Bariga Dhexe,” ayuu yiri Krieg.

Carqalad ku timid ganacsiga caalamiga ah

Dagaalkan 12-ka maalmood socday wuxuu sidoo kale saameeyay ganacsiga caalamiga ah iyo suuqyada tamarta sababo la xiriira cabsi laga qabay in xiisaddu sii xoogeysato iyadoo ganacsatada badankood ay filayeen in Iiraan ay xannibi doonto marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, kaasoo uu maro ku dhawaad rubuc dhoofka saliidda caalamiga ah.

Natijadii ka dhalatay ayaa noqotay qiimaha caymiska maraakiibta oo sare u kacay, mararka qaarna labanlaabmay, iyadoo kharashka dhoofintu uu kordhay, halka qiimaha saliidda Brent uu sare u kacay 15–20% ka hor inta uusan xasilin maadaama ay yaraatay cabsidii laga qabay in xiisaddu ay cirka isku sii shareedho, sida uu sheegay Krieg.

“Ka sokow saliidda, ganacsiga guud ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay. Shirkadaha waaweyn ee maraakiibta caalamiga ah ayaa bilaabay inay dib u habeyn ku sameeyaan maraakiibtooda, iyagoo kiraystay maraakiib kayd ah, isla markaana dib u dhigay safarrada ku wajahan Khaliijka. Isbeddelladan saadka ayaa kordhiyay kharashaadka waxayna dheereeyeen waqtiyada gaarsiinta badeecadaha, gaar ahaan tani waxay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha Hindiya, Shiinaha, iyo Yurub oo si weyn ugu tiirsan dhoofinta tamarta Khaliijka,” ayuu raaciyey Krieg.

Waaxyaha kale sida beeraha iyo warshadaha tamarta iyo warqadaha ayaa sidoo kale dareemay saameynta, iyadoo dib u dhacyada dhoofinta ay sababeen kharashaad qarsoon.

“Guud ahaan, dagaalku wuxuu muujiyay sida ganacsiga caalamiga ah uu ugu nugul yahay colaadaha Khaliijka wuxuuna iftiimiyay muhiimadda marin-biyoodka Hormuz oo ah halbowlaha ganacsiga caalamiga ah.”

Jamil wuxuu iftiimiyay saameyn dheeri ah oo la xiriirta duulimaadyada hawada. Joojinta baahsan ee duulimaadyada iyo weecinta khadadka diyaaraha ayaa kordhiyay kharashaadka hawlgelinta diyaaradaha, inkastoo uu u arko saameyntan inay tahay “mid xaddidan oo ku-meel-gaar ah” markii loo eego heer caalami.

XIGASHO:TRT World
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us