Soomaaliya waxay si xowli ah ugu hawlan tahay dib u dhiska nidaamkeeda waxbarasho, iyadoo mushaarka macallimiinta ka bixisa dakhligeeda gudaha, hirgelisay manhaj mideysan oo heer qaran ah, isla markaana dib u furtay iskuullo muddo dheer xirnaa sababo la xiriira dagaalladii sokeeye.
"Rabshadaha soo noqnoqda waxay keeni jireen in la xiro iskuulladeennii, taasoo nagu abuurtay hubanti la’aan ku saabsan goorta – ama haddii – aan dib ugu laaban karno fasallada," ayuu yiri Cabdi Samed, oo haatan ku jira da'da soddomeeyada, mar uu la hadlayey TRT Afrika.
Hadallada Cabdi Samed waxay ka turjumayaan xaqiiq adag oo ay la daala-dhacayeen malaayiin carruur Soomaali ah.
Goobaha ciyaarta iskuullada ayaa isu beddelay meelo lagu dagaallamo. Macallimiintii waxay ka qaxeen dalka. Tani waxay sii xumaatay kadib markii kooxda Al-Shabaab ay kordhisay falalkeedii naxariis-darrada ahaa.
Iyadoo aan la haynin manhaj mideysan, iskuullo badan waxay qaateen manhajyo kala duwan oo laga keenay dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudi Carabiya iyo Hindiya.
Kaliya iskuullada gaar loo leeyahay ee qaali ah ayaa u furnaa qoysaska ladan oo kaliya. Agabka waxbarashada aad buu u yaraaday, halka macallimiinta xirfadda lehna ay aad u yaraayeen.
Dadaal bulsho
Inkasta oo ay jireen burbur iyo caqabado badan, haddana shacabka Soomaaliyeed ma aysan quusan. Bulshooyin ayaa sameeyey fasallo ku meel gaar ah oo laga dhisay guryo la amaahday.
Xarumaha waxbarashada gaarka ah sida Machadkii SIMAD (oo haatan ah Jaamacadda SIMAD) ayaa albaabada u furay 1999-kii, xilli dowladdu aysan awoodin inay bixiso waxbarasho sare. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa dib loo howlgeliyey sanadkii 2014.
"Aabbahay wuxuu ahaa tiirkeygii ugu weynaa," ayuu yiri Cabdi Samed. "Wuxuu sameeyey wax kasta oo karaankiisa ah si uu guriga ugu beddelo goob waxbarasho. Wuxuu i baray maaddooyinkii aan ku liitay, mararka qaarna wuxuu ii keenay macallin khaas ah oo iga caawiya horumarka."
Isbeddelka Xilligan: Kacaan Waxbarasho oo dalka ka bilowday
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa la arkay isbeddel muuqda oo ku yimid nidaamka waxbarashada Soomaaliya. Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay waxbarashada ka dhigtay udub-dhexaadka siyaasadda qaranka.
Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa yiri:
"Markii aan xilka la wareegnay, kaliya 900 oo macallin ayaa ku jiray liiska mushaarka dowladda, carruurta iskuulka dhigata waxay ahaayeen wax ka yar 25%, halka in ka badan 4 milyan oo carruur ah aysan weli helin waxbarasho."
Laba sano gudahood, wasaaraddu waxay qortay 6,000 oo macallin tababaran, kuwaasoo loo qaybiyey gobollada dalka. Ujeeddadu waa in la gaaro 12,000 macallin sanadka 2026. Mushaarka macallimiinta waxaa laga bixiyaa miisaaniyadda qaranka — taasi oo ah isbeddel weyn oo ka yimid ku tiirsanaanta deeqaha shisheeye.
"Macallimiinta mushaarkooda laga bixiyo dakhliga gudaha waxay astaan u yihiin isbeddelka lahaanshaha qaranka," ayuu yiri Wasiir Faarax.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri, “waxaan go'aansanay in aan siinno macallimiinta mudnaanta ugu sarreysa. Waa garaaca wadnaha ummadda, waana dhisayaasha mustaqbalkeena."
Miisaaniyadda waxbarashada heer qaran ayaa korodhay, iyadoo laga qaaday 3% oo ahayd sanadkii 2021 una kacday 9.4% sanadkan. Lacagtan ayaa lagu maalgeliyey dhismaha iyo dayactirka iskuullo ku kala yaal dhammaan dowlad-goboleedyada.
Dhisidda Nidaamka Waxbarashada
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayo Musharax Madaxweyne hore Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed.
Guddigan, oo ay taageerayaan xeerarka cusub ee waxbarashada sare, ayaa mas'uul ka noqon doona kormeerka 130 jaamacadood oo la diiwaangeliyey.
Tignoolajiyadda ayaa fure u noqotay horumarka. Nidaamka EMIS, oo la hirgeliyey 2016-kii, ayaa si joogto ah ula socdo xogta ardayda. Qeybtiisa sare, HEMIS, oo la daahfuray 2023, ayaa durba diiwaangeliyey 248,000 qalin-jabiye iyo 200,000 oo arday wax ka barta jaamacado kala duwan.
Wasiirka ayaa yiri, “HEMIS wuxuu suuragelinayaa xaqiijinta shahaadooyinka. Waa tallaabo muhiim ah oo u sahlaysa ardaydeena inay si sahal ah u helaan fursado waxbarasho dibadda ah."
Dr. Xuseen Axmed Salaad, oo macallin kasoo noqday dhammaan heerarka waxbarashada, ayaa intaa ku daray, “HEMIS wuxuu sare u qaaday kalsoonida shahaadooyinka Soomaaliyeed."
Tiradii ardayda u fariisatay imtixaanka mideysan ee fasalka 12aad sanadkii 2015 waxay ahayd 7,000, halka sanad-dugsiyeedka 2024–2025 ay gaartay 39,000. Waxaa markii ugu horreysay ka qaybgalay ardayda Laascaanood.
Waxbarashadu waa xoreynta dalka
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo dabayaaqadii 2022 ayaa sahashay dib u furitaanka iskuullo badan.
Wasaaradda Waxbarashada, oo kaashanaysa UNICEF iyo AMISOM, waxay Degmada Xaradheere ka qaybisay buugaag iyo agab dijitaal ah xilli ay carruurta dib ugu laabanayeen iskuulka markii ugu horreysay muddo 15 sano ah.
Barnaamijka aasaasiga ah ee jaamacadda ka horreeya, kaasoo diiradda saara afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, iyo wacyigelinta madaniga ah, wuxuu u diyaariyaa 10,000 oo arday sanad walba waxbarasho sare. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in barnaamijkani yahay mid muhiim u ah diyaarinta ardayda, halkii uu ahaan lahaa “sannad dheeraad ah.”
Waxbarashada ayaa sidoo kale noqotay mid helisteeda ay u simanyihiin gabdhaha iyo wiilasha. Ka qeybgalka gabdhaha ee imtixaanka fasalka 12aad wuxuu kor u kacay laga bilaabo 26% (2015) ilaa 42% sanadkan.
Bishii Sebtembar 2024, 3,000 gabdhood ayaa heshay deeq waxbarasho xirfadeed — sida umulisada, kalkaalinta, iyo macallinnimada.
Barnaamijyada dardargelinta waxbarashada aasaasiga ah ayaa sidoo kale ka caawinaya carruurta kasoo wareegaya iskuullada Islaamiga inay si fudud ugu gudbaan nidaamka rasmiga ah. Manhajka mideysan, buugaagta cusub, iyo shahaadada qaran ee dugsiyada hoose/dhexe ayaa meesha ka saaray fawdadii hore.
Waddada horumarka: Xogta iyo Himilada
Dr. Xuseen: "Waxaan u baahanahay 80,000–120,000 macallin, halka aan hadda heyno kaliya 35,000."
Wasiir Faarax ayaa yiri, “dadaalka aan maanta galinayno waxbarashada waa hantida ugu qiimaha badan ee aan dhaxli doono. Ma jiro waddan horumar sameyn kara la'aanteed nidaam waxbarasho oo tayo leh."