Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, ayaa meel mariyay Dastuurka cusub ee maamulka Waqooyi Bari keddib markii uu saxiixay heshiiska bulsho ee ay gaareen Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (Buuhoodle).
Dastuurkan ayaa laga bilaabo saxiixa keddib, wuxuuna hoggaamiyuhu dhaqangelin ku sameeyay si waafaqsan qodobka 152aad ee dastuurka.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaawday Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya.
Golaha wakiillada maamulka cusub ayaa noqon doona 83 xubnood, kuwaas oo ku imaanaya xulista odayaasha dhaqanka ee deegaannadaas.
Xilka madaxweynuhu wuxuu noqon doonaa meerto u dhexaysa Maakhir iyo Khaatumo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada nabadeed iyo midnimada bulshada.
Sida ku qoran qoraal uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto garab istaagga bulshada deegaannadaas si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo maamul suuban.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan qaybaha bulshada inay ilaaliyaan midnimada dalka oo ay ka shaqeeyaan hirgelinta nidaam dowladeed oo loo dhan yahay.
Dastuurkan waxaa si rasmi ah loogu ansixiyay shirweynihii dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo soo gabagaboobay magaalada Laascaanood.
Magacyada la ansixiyay waa Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo oo isu baddalaya Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Maamulka cusub, oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood, ayaa loo asteeyay caasimad.