Cumar Cartan oo qabtay ciyaarta lugta labaad ee fiinaalka Koobka Horyaalada Afrika ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalkiisa hooyo, Soomaaliya, halkaas oo loogu aqoonsaday geesi qaran.
Cartan wuxuu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo albiitare ka noqda ciyaar kama dambeys ah oo heer qaaradeed ah, isagoo maamulayay ciyaartii ka dhacday caasimadda Masar, Qaahira, toddobaadkii hore.
Kooxda Pyramids FC ee Masar ayaa ku guuleysatay Koobka Horyaalada Afrika kadib markii ay celcelis ahaan 3-2 kaga guuleysteen labada lugood ee ay la ciyaareen kooxda Mamelodi Sundowns ee Koonfur Afrika.
Cartan ayaa ammaan iyo bogaadin ka helay falanqeeyayaasha kubadda cagta iyo taageerayaasha ciyaaraha, kuwaas oo ku bogaadiyay qaabkiisa deggan iyo cadaaladda uu ku maamulay ciyaarta oo aan lahayn wax muran ah.
“Waxaan xambaarsanaa sharafka malaayiin Soomaali ah, culayska calanka qarankeenna, iyo rajada dhalinyarada isoo eegayey. Dareenkaas xilkasnimo ayaa had iyo jeer igu dhiirrigeliya inaan dadaalkeyga ugu fiican bixiyo,” ayuu yiri Cartan.
“Guushan waxaan u hibeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida, kuwaas oo aan ka helay taageero joogto ah, kalsooni, iyo dhiirrigelin.”
Cartan wuxuu markii ugu horreysay ka soo muuqday masraxa qaaradda sannadkii hore intii lagu jiray tartanka Koobka Qaramada Afrika ee ka dhacay Côte d’Ivoire, halkaas oo uu qabtay ciyaar heerka guruubyada ah.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyey Arbacadii magaalada Muqdisho, halkaas oo mas’uuliyiinta kubadda cagta ay sheegeen in “Soo ifbaxa Cartan uu ka tarjumayo horumarka kubadda cagta Soomaaliyeed.”
“Waa qof aan marna musuqmaasuq sameyn oo si qoto dheer ugu heellan ilaalinta sharafta iyo cadaaladda ciyaarta,” ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta soomaaliyeed, Cali Maxamed.
Garsooraha Soomaaliyeed wuxuu xirfaddiisa ku bilaabay horyaalada gudaha, halkaas oo uu ku dhistay magac isaga oo ka faa’iideysanaya khaladaadkii uu garoonka ku sameeyay.
“Ciyaarihii hore waxay i siiyeen aasaaska aan u baahnaa iyo fursad aan ku horumariyo waxqabadkeyga,” ayuu yiri.
“Waxa iigu dhiirrigelinta badan safarkan waa fursadda aan ku sii wado sumcad ku dhisan cadaalad, dhexdhexaadnimo, iyo masuuliyad.”
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka ayaa ku dhiirraday inay noqdaan garsoorayaal iyagoo ku dayanaya xirfadda Cartan, sida uu sheegay madaxa garsoorayaasha kubadda cagta Xasan Yabarow.
“Heerarka garsoorka kubadda ee dalka ayaa sii kordhaya sababtoo ah wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed hadda waxay leeyihiin qof ay ku daydaan,” ayuu yiri.
“Waxaan hadda rajeyneynaa oo ku riyoonaynaa in loo magacaabo inuu qabto ciyaaraha Koobka Adduunka ee FIFA 2026,” ayuu yiri Cali Axmed, madaxa garsoorayaasha xiriirka kubbadda cagta gobolka.