Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Liverpool Mohamed Salah ayaa dhaliilay xuskii UEFA ay u sameysay marxuum Suleiman Al-Obeid, oo loo yaqaanay “Pele-ga Falastiin,” kadib markii hay’adda kubadda cagta Yurub aysan xusin in lagu dilay weerar Israa’iil ka fulisay Qaza isagoo sugayay gargaar bani’aadannimo.
UEFA ayaa 9-kii Agoosto qoraal kooban oo ay ku daabacday barteeda X ku xustay xiddigii hore ee xulka qaranka Falastiin “hibo rajo badan gelisay carruur badan, xitaa xilliyada ugu adag.”
Salah ayaa kaga jawaabay qoraal ay UEFA soo dhigtay: “Ma noo sheegi kartaan sida uu u dhintay, halka uu ku dhintay, iyo sababta?”
Xiriirka Kubadda Cagta Falastiin ayaa sheegay in Al-Obeid, oo 41 jir ahaa, lagu dilay weerar duqeyn ah oo Israa’iil ku bartilmaameedsatay dad shacab ah oo ku sugnaa koonfurta Qaza si ay u helaan gargaar bani’aadannimo.
Al-Obeid, oo ku dhashay Qaza isla markaana ahaa aabbaha shan carruur ah, waxaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan taariikhda kubadda cagta Falastiin. Wuxuu u saftay xulka qaranka 24 kulan oo rasmi ah, isagoo dhaliyay laba gool.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Falastiin, Israa’iil waxay dishay in ka badan 800 oo ciyaartoy Falastiiniyiin ah tan iyo 7-dii Oktoobar 2023.