CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya: Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay 2 Askari oo lagu helay dilka Taliye
Labada askari (Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad Koofi), ayaa loo haystay dilka Abaanduulaha Ururka 83-aad, Dhamme Ceydiid Maxamed Cali.
Soomaaliya: Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay 2 Askari oo lagu helay dilka Taliye
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed - S/Gaas Odowaa Yusuf Raage. / User Upload
12 Agoosto 2025

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu helay dambi ah inay la shaqaynayeen kooxda Al-Shabaab oo ay u fududeeyeen dilka taliye sare.

Labada askari oo lagu kala magacaabi jiray Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad Koofi), ayaa dilka loo haystay Abaanduulaha Ururka 83-aad, Dhamme Ceydiid Maxamed Cali, ka dib markii ay miino ku dhejiyeen sariirtiisa, taas oo keentay in uu ku dhinto.

Toogashada labada askari ayaa ka dhacday furinta hore ee dagaalka, Deegaanka Sabiid iyo Caanoole.

Dilkii loo geystay Caydiid ayaa dhacay bishii Luulyo, waxaana labada askari xukunka dilka ah lagu riday bishii Agoosto ee sanadkan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, oo ka hadlayey dilka ka hor inta aan la fulin ayaa u digay cid kasta oo isku dayda inay la shaqayso kooxaha argagixisada.

"Qofkii Khawaarij xiriir la yeesho, haddii ay kugu caddaato, maalin maalmaha ka mid ah bannaanka ayaad u soo bixi doontaa. Ilaahay (SW) ceebtaada bannaanka ayuu keeni doonaa, annagana waan ku heli doonaa, dil toogasho ah ayaana kugu fulin doonnaa," ayuu yiri Guddoomiye Liibaan.

“Qofkasta oo khiyaano qaran ku kaca, darajada uu doono ha lahaado, nooca uu doono ha ahaado, shaatiga uu doono ha qabo, Qofkasta oo ku kaca khiyaano qaran oo qarankiisa qiyaano, oo dadkiisa qiyaano oo dalkiisa qiyaano, saaka kuwaan meesha ay mareen ay mari doontaa. Waxaan dhihi lahaa wey naga soo daahday in maanta ay dhacdana, runtii aad iyo aad ayaan idinku hambalyeenayaa, Ilaahey idankii qof kasta oo qarankiisa qiyaano, qof kasta oo umaddiisa khiyaano, ceebtiisa Ilaahay bannaanka ayuu keeni doonaa, meeshaasna ayay ku dambeyn doontaa,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odowaa Yusuf Raage.

Falkan ayaa ka dhigan tallaabo adag oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadayso xubnaha ciidamada ee lagu helo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo kalsoonida shacabka iyo la dagaallanka argagixisada.

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us