Turkiga ayaa dardargelinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadaha sokeeye ee ka taagan Liibiya iyo in la dhiso "Liibiya isku-dhafan oo mideysan," sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.
Dadaalladan ayaa bilaabmay markii Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Ciidanka Qaranka Liibiya, Sarreeye Guuto Saddam Haftar, uu booqasho ku yimid Turkiga bishii Abriil 2025.
Horraantii toddobaadkan, markab dagaal oo ka tirsan ciidamada badda Turkiga oo lagu magacaabo TCG Kınalıada ayaa ku soo xirtay Dekedda Tripoli, halkaas oo uu ku martigeliyay shirar ay ka qayb galeen wasiirka difaaca Liibiya, taliyaha guud ee ciidamada, taliyaha ciidamada badda, taliyaha ilaalada xeebaha, iyo taliyaha saldhigga Tripoli, iyagoo ay la socdeen waftiyadooda.
Sidoo kale, safiirka Turkiga ee Liibiya, Güven Begeç, wasiirka difaaca Liibiya, taliyaha guud ee ciidamada, taliyaha ciidamada badda iyo waftiyadooda ayaa booqday markabka TCG Kınalıada.
Habka lagu xasilinayo xaaladda
TCG Kınalıada ayaa loo qorsheeyay inuu Arbacada ku xirto Dekedda Benghazi, halkaas oo ay ka dhici doonaan kulamo milatari iyo munaasabado rasmi ah oo markabka lagu qaban doono.
Booqashadan waxay muujinaysaa habka Turkiga ee ku saleysan wadajirka iyo xasilloonida ee ku wajahan wadajirka Liibiya, waana muuqaal cusub oo ka tarjumaya siyaasadaha uu Turkigu ku taageerayo midnimada dalka oo dhan.
TCG Kınalıada ayaa toddobaadkan ku xirtay Dekedda Tripoli, Liibiya. Kadib markii uu ka ambabaxay Dekedda Tripoli, waxa uu ka qeyb qaatay dhoolatus badeed oo lagu sameysay markabka dagaalka ee Shafak oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Liibiya.
Bishii Abriil 2025, Sareeye Guuto Saddam Khalifa Hafter, Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Ciidanka Qaranka Liibiya, ayaa booqasho ku tagey dalka Turkiga, waxaana Ankara ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Yaşar Güler iyo Taliyihii Ciidamada Dhulka ee xilligaas, haatana ah Taliyaha Guud ee Ciidamada, General Selçuk Bayraktaroğlu.
"Turkiga iyo Liibiya waa laba dal oo saaxiibo ah oo leh xiriir taariikhi iyo dhaqan oo qoto dheer. Tan iyo bilowgii, ujeedkeennu wuxuu ahaa in dadka reer Liibiya ay ku noolaadaan midnimo, wadajir, nabad iyo xasillooni," ayay yiraahdeen ilo ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo ka hadlay booqashada.