Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii gaaray magaalada Dhuusamareeb, oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.
Waxaa Madaxweynaha si diirran Dhuusamareeb ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, bulshada iyo odayaasha dhaqanka.
Sida ay sheektay Madaxtooyadda, Villa Somalia, Ujeeddada ugu weyn ee safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu yahay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena lagu xoojinayo abaabulka bulshada iyo dhiirigelinta ciidamada difaacaya dalka.
Sidoo kale, waxaa socdaalkiisa ku weheliyay wafdi ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada.
Safarkan ayaa ku soo beegmay xilli dowladda federaalka ay waddo qorshe lagu dardargelinayo wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Galmudug oo ay ka jiraan dagaallo culus.
Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato mas'uuliyiinta maamulka Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka.
Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulammo la qaato madaxda Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.