Madaxweynaha Ghana, John Dramani Mahama, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah oo ka bilaabanaysa Khamiista, 7-da Agoosto, kadib shil diyaaradeed oo dhacay Arbacadii kaas oo sababay dhimashada siddeed qof, oo ay ku jiraan laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda.
Madaxweyne Mahama ayaa sidoo kale hakiyay dhammaan hawlihii iyo kulamadii uu qorsheeyay inta ka dhiman toddobaadka, sida uu war-saxaafadeed ku sheegay afhayeenka madaxtooyada Felix Kwakye Ofosu.
Diyaarad nooca Z-9 oo uu leeyahay Ciidanka Difaaca Ghana, taas oo ka baxday raadaarka kadib markii ay ka kacday Accra, kuna burburtay subaxnimadii Arbacada, 6-dii Agoosto 2025, meel u dhow Adansi-Akrofuom oo ka tirsan Gobolka Ashanti.
Yaa ku dhintay shilka?
Shilkan ayaa waxaa ku naf waayey, Dr. Edward Kofi Omane Boamah, Wasiirka Difaaca; Dr. Ibrahim Murtala Muhammed, Wasiirka Deegaanka, Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka; Alhaji Muniru Mohammed, Ku-simaha Isuduwaha Amniga Qaranka; Dr. Samuel Sarpong, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Dimuqraadiga Qaranka; iyo Mr. Samuel Aboagye, oo ahaa musharax hore oo u tartamay baarlamaanka.
Dadka kale ee la socday ee ku dhintay shilka ayaa waxaa ka mid ah: Sarkaalka ciidanka cirka Peter Bafemi Anala (duuliyaha), Sarkaal Duuliye Manaen Twum Ampadu (kaaliyaha duuliyaha), iyo Sarkaal Sare Ernest Addo Mensah.
Wafdiga saarnaa diyaaradda ayaa ku sii jeeday Obuasi si ay uga qayb galaan furitaanka Barnaamijka Masuuliyadda Macdanta Wadajirka ah iyo Horumarinta Xirfadaha, kaas oo loogu talagalay in lagu taageero shirkadaha yaryar ee macdan-qodayaasha iyada oo loo marayo qaab-dhismeedyo wadajir ah iyo tababar.
Hogaamiyeyaasha Afrika oo ka tacsiyeeyey
Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa ka tacsiyeeyey shilka naxdinta leh, iyadoo Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, uu ku tilmaamay "waqti aad u xanuun badan."
"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa walaalkay, Madaxweyne John Mahama, xukuumadda, iyo shacabka Ghana shilka diyaaradeed ee naxdinta leh oo sababay dhimashada Wasiirka Difaaca Edward Omane Boamah, Wasiirka Deegaanka Ibrahim Murtala Muhammed, iyo lix qof oo kale," ayuu ku yiri Tinubu qoraal uu soo dhigay X.
Wuxuu intaas ku daray in Nigeria ay garab taagan tahay Ghana xilligan adag, isagoo u duceeyay dadkii ku naf waayey shilka.
Madaxweynaha Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaa sidoo kale tacsi u diray.
"Tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa Mudane Madaxweyne Mahama, @JDMahama, iyo shacabka Ghana xilligan aadka u adag. Fadlan ogaada in shacabka Sierra Leone ay idin garab taagan yihiin xanuunka aad dareemaysaan. Waxaan idinla qaybsanaynaa murugada."
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa isna shilka ku tilmaamay musiibo qaran.
"Waxaan si murugo leh isoo gaaray warka shilka diyaaradeed ee ka dhacay Gobolka Ashanti ee Jamhuuriyadda Ghana... Midowga Afrika wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Ghana xilligan baroor-diiqda ah. Ilaahay ha u naxariisto nafihii ku baxay shilka."
Mas'uuliyiinta ayaa ku dhawaaqay in calanka dalka hoos loo dhigi doono ilaa amar dambe iyadoo lagu sharfayo dhibbanayaasha, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta shilka.