Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil ayaa dhaliilay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kadib markii uu sheegay in dacwadda musuqmaasuqa ee ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu la joojiyo, isagoo uga digay inuu farageliyo arrimaha gudaha Israa’iil.
Trump ayaa Arbacadii ku tilmaamay dacwadda ka dhanka ah Netanyahu inay tahay "dabin siyaasadeed", taasoo la mid ah sida uu Netanyahu u diiday eedeymaha musuqmaasuqa oo uu si cad u beeniyay.
Farriin uu Trump soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu ku sheegay in maxkamadda Netanyahu "laga joojiyo si DEGDEG ah, ama cafis loo fidiyo Geesiga Weyn", kadib dagaal 12 maalmood socday oo lala galay Iiraan.
Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa Khamiistii wareysi uu siiyay mareegta wararka ee Ynet ku yiri: "Waxaan uga mahadcelineynaa Madaxweyne Trump taageeradiisa, laakiin... madaxweynaha waa inuu ka fogaadaa faragelinta maxkamad madax-bannaan oo dal kale ah."
Lapid, oo ka tirsan xisbiga midig-dhexe ee Yesh Atid, ayaa taageeray hadal uu jeediyay mid ka mid ah xulafada Netanyahu ee Simcha Rothman oo ka tirsan xisbiga midigta fog ee Religious Zionism, kaasoo Trump ugu baaqay inuu ka fogaado kiiska maxkamadda.
"Ma aha doorka madaxweynaha Mareykanka inuu farageliyo dacwadaha sharciga ah ee ka socda Dawladda Israa’iil," ayuu yiri Rothman, oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha garsoorka ee baarlamaanka Israa’iil.
Rothman, oo si weyn u dhaliila waxa uu ku tilmaamo awoodda xad-dhaafka ah ee garsoorka, ayaa haddana sheegay in "sida loo maareynayo kiisaska Netanyahu ay dhaawacayso sumcadda Israa’iil oo laga dhigayo dal aan xasilloonayn."
Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben Gvir, oo ah hoggaamiyaha xisbi kale oo midigta fog ah oo ku jira xulafada Netanyahu, ayaa ku tilmaamay maxkamadda inay tahay mid siyaasadeysan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Saar ayaa sheegay in ay tahay "mid gurracan, aan caqli-gal ahayn, oo ka soo horjeedda dareenka aasaasiga ah ee cadaaladda" in la sii wado maxkamadaynta Netanyahu xilli dagaal lagu jiro, isagoo taageeray baaqa Trump ee ah in dacwadaha laga joojiyo hoggaamiyaha Israa’iil.
Netanyahu waa ra’iisul wasaaraha ugu muddada dheer Israa’iil. Intii uu xilka hayay tan iyo dabayaaqadii 2022, xukuumaddiisu waxay soo jeedisay isbeddelo ballaaran oo garsoorka ah oo ay dadka dhaliilaahi ku tilmaameen kuwo loogu talagalay in lagu wiiqo awoodda maxkamadaha.
Maxkamadeynta oo dib loo dhigay dhowr jeer tan iyo markii ay bilaabatay bishii Maayo 2020-kii, Netanyahu wuxuu si joogto ah u beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.
Kiiska koowaad, Netanyahu iyo xaaskiisa Sara, waxaa lagu eedeeyay inay ka heleen ganacsato hodan ah hadiyado qaali ah oo ku kacaya in ka badan $260,000, sida sigaarka qaaliga ah, dahab, iyo alaabo kale, iyagoo beddelkeeda bixiyay taageero siyaasadeed.
Labo kiis oo kale ayaa sheegaya in Netanyahu uu isku dayay inuu heshiisyo gaar ah la galo laba warbaahin oo Israa’iili ah si loogu sameeyo warbixinno togan.
Netanyahu ayaa dhowr jeer codsaday dib u dhigista dacwadaha, iyadoo sababaha ugu dambeeyay ay ku jiraan dagaalka ka socda Qaza tan iyo bishii Abriil 2023, kadibna dagaallo ka dhacay Lubnaan iyo weerarada uu ku qaaday Iiraan bishan horraanteedii.