Dowladda ku-meel-gaarka ah ee Mali ayaa dacwad ka gudbisay dalka dariska la ah ee Algeria, iyadoo ku eedeysay gardarro kadib markii Algeria ay soo riday diyaarad drone sahamin ciidan waddey oo ay Mali leedahay, sida ay Khamiistii sheegtay Wasaaradda Maamulka Dhulka ee Mali.
Mali waxay sheegtay in Algeria ay si ula kac ah u soo ridday diyaaradda drone-ka sahanka ah xilli ay ku jirtay hawada xuduudda saxaraha ee u dhexeeya labada dal habeenkii u dhexeeyay 31-dii Maarso iyo 1-dii Abriil, meel u dhow Tinzaouaten oo ku taalla gobolka Kidal ee Mali. Waxay ku eedeysay in tallaabadan lagu carqaladeynayay howlgallada ciidamada Mali ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
"Gardarradan cad ee dowladda si xooggan u cambaareyneyso, oo ujeedkiisu ahaa in lagu carqaladeeyo hawlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha argagixisada ah ee hubeysan ayna wadaan Ciidamada Ammaanka iyo Militariga Mali, waxay ka mid tahay falal isdaba joog ah oo cadowtinimo iyo waxyeello leh oo dowladda Mali marar badan horay u cambaareysay.," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Mali waxay dhacdadan ku tilmaantay fal cadowtinimo iyo jebinta mabda’a ah in aan xoog la adeegsan, waxayna intaas ku dartay inay si joogto ah uga codsatay mas’uuliyiinta Algeria inay caddeeyaan in diyaaradda drone-ka ah ay ku xadgudubtay hawada Algeria, balse ilaa iyo hadda aysan helin wax jawaab ah.
Algeria waxay sheegtay inay "soo ridday diyaarad sahamin ah oo ku xadgudubtay hawadeeda" balse ilaa iyo hadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Algeria ma aysan soo saarin faallo degdeg ah.
Si kastaba ha ahaatee, Algeria ayaa horey u sheegtay in ciidamadeedu ay soo rideen diyaarad drone sahamin ah oo hubeysan oo ku xadgudubtay hawadeeda meel u dhow xadka.