CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dagaal beeleed ka dhacay Waqooyiga Ghana oo sababay dhimashada 31 qof, iyo barakaca 48,000 oo kale
Dagaallada beelaha ku dhaqan waqooyiga Ghana oo bilowday dhammaadka bishii hore ayaa lagu dilay ugu yaraan 31 qof, iyadoo ay qaxeen ku dhawaad 50,000 qof, sida ay Khamiistii sheegeen mas'uuliyiinta deegaanka.
Dagaal beeleed ka dhacay Waqooyiga Ghana oo sababay dhimashada 31 qof, iyo barakaca 48,000 oo kale
Iska horimaadyo beeleed oo dhawaan ka dhacay Waqooyiga Ghana ayaa lagu dilay ilaa 31 qof, halka ay ku barakiceen tobanaan kun oo qof. / Sawir: AP
5 Sebteembar 2025

Iska horimaadyo beeleed oo ka dhacay waqooyiga Ghana dhammaadkii bishii hore ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 31 qof iyo barakaca ku dhawaad 50,000 oo qof, sida ay Khamiistii sheegeen mas’uuliyiinta, iyadoo in ka badan 13,000 qof ay u gudbeen xadka Côte d'Ivoire.

Rabshadaha ka dhacay Gobolka Savannah ee Ghana ayaa 24-kii Agoosto ka qarxay tuulada Gbiniyiri oo ku dhow xadka Côte d'Ivoire, ka dib muran dhul oo sii xoogaystay oo saameeyay tuulooyin dhowr ah.

Khilaafka ayaa bilowday markii madax beeleedka deegaanka uu dhul ka iibiyay nin ganacsade ah, iyada oo aan la tixgelin ra’yiga bulshada lana helin ogolaansho guud. Markii ganacsaduhu isku dayay inuu dhulkaas galo si uu shaqo uga bilaabo, dadka deegaanka ayaa si xoog leh uga hor yimid, xiisadda ayaana cirka isku shareertay ka dib markii la gubay qasrigii madax beeleedka.

Haweenka iyo carruurta oo ah kuwa saameynta ugu darani soo gaartay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mubarak Muntaka, ayaa Khamiistii wareysi uu siiyey idaacadda ku sheegay in 13,253 qof oo reer Ghana ah ay u gudbeen Côte d'Ivoire, isagoo soo xiganaya xogta mas’uuliyiinta Côte d'Ivoire.

Philippe Hien, oo ah guddoomiyaha golaha gobolka Bounkani, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in "13,000 qof ay yimaadeen 17 tuulo" oo ku yaalla aaggaas oo horey hoy u ahaa 30,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka yimid Burkina Faso.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Ghana (NADMO) ayaa sheegtay in ku dhawaad 48,000 qof ay guryahooda ka barakaceen, kuwaasoo intooda badan ay yihiin haween iyo carruur.

"Shantii maalmood ee la soo dhaafay wax weerar ah ma dhicin," ayuu yiri Agaasimaha NADMO ee Gobolka Savannah, Zakaria Mahama, isagoo intaas ku daray in dad badan oo barakacay ay bilaabeen inay guryahooda ku soo laabtaan.

Xaaladda oo haatan deggan

Labada mas’uul, Mahama iyo Muntaka, ayaa xaqiijiyay dhimashada 31 qof.

Dhinaca amniga, Muntaka ayaa sheegay in in ka badan 700 oo askar iyo boolis ah la geeyay goobta, sidoo kalena la soo rogay bandow.

Wasiirka Gobolka Savannah, Salisu Bi-Awuribe, ayaa sheegay in xaaladdu ay si tartiib tartiib ah u soo hagaagayso iyadoo odayaasha iyo madaxda dhaqanka ay la shaqeynayaan hay’adaha amniga si looga hortago iska horimaadyo kale.

Guddiga ka kooban madax dhaqameed iyo xubno ka socda Golaha Nabadda Qaranka ayaa la dhisayaa si ay baaritaan ugu sameeyaan sababaha rabshadaha loona xoojiyo dib u heshiisiinta.

XIGASHO:TRT Afrika, AFP
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us