Turkiga ayaa mar kale ku celiyay diyaar ahaanshihiisa inuu hoggaanka u qabto dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dalka kadib shir ay yeesheen dalalka isubahaystay baadigoobka xal nabadeed.
Cevdet Yilmaz, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ee NSosyal, ayaa Arbacadii sheegay inuu khadka internetka kaga qayb galay shirkii shanaad ee hoggaamiyeyaasha isbahaysiga, kaas oo uu hore afar jeer uga qayb galay isagoo ku matalaya Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
“Shirka oo uu martigeliyay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxa lagu falanqeeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu gaari karo nabad cadaalad ah oo waarta, kadib hindisaha uu curiyey Madaxweyne Donald Trump,” ayuu yiri Yilmaz.
“Turkigu wuxuu mar kale ku celinayaa in aan diyaar u nahay inaan hoggaanka u qabano dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, iyadoo mudnaanta la siinayo diblomaasiyadda iyo wadahadalka dhinacyada. Ilaa nabad cadaalad ah oo waarta la gaaro, waxaan sii wadaynaa ka qeyb qaadashada geeddi-socodka diblomaasiyadeed anagoo adeegsanayna dhammaan awooddeena,” ayuu raaciyay.
Hadalka Yilmaz ayaa yimid kadib shirkii bishii hore ka dhacay Alaska oo dhexmaray Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin iyo abaabulka shir saddex-geesood ah oo ay wada yeeshaan Putin iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ay weli socdaan.
Turkiga, oo ah dal xiriir wanaagsan la leh labada dhinac ee Ruushka iyo Ukraine, ayaa door gaar ah oo firfircoon ka qaatay dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka, kaas oo bilowday bishii Febraayo 2022.