Dowladda Soomaaliya ayaa safiir cusub u magacowday Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, taasoo calaamad u ah dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah ee labada dal. Magacaabistan ayaa timid xilli muhiim ah oo Suuriya ay ka soo kabanayso dagaallo sokeeye oo muddo dheer soo jiitamayay.
Safiirka cusub, Abiib Muuse Faarax, ayaa nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Asad Xasan Al-Shibani. Talaabadan ayaa si rasmi ah u bilaabaysa howlaha uu dalkaasi ka qaban doono, isagoo sii wadi doona dadaalladii uu ku-simaha safiirka, Daahir Maxamuud Muuse, ku bixinayay xoojinta xiriirka labada dal.
Mowqifka Soomaaliya ee Suuriya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u muujiyey mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan isbeddeladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Suuriya.
Madaxweynaha ayaa hambalyo diirran u diray hoggaamiyaha Suuriya, Axmed Al-Sharca, isagoo u rajeeyey inuu dalkiisa ku hoggaamiyo xasillooni iyo dib-u-heshiisiin.
"Waxaan u rajaynayaa hoggaamiyaha waqtiga kala-guurka ah ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya Axmed Al-Sharca inuu diiradda saaro ka-miradhalinta himilooyinka bulshada, xasiloonida iyo qaran cagihiisa ku istaaga," ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in cunnoqabataynta laga qaaday dalka Suuriya, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dib u soo kabashada dalkaas walaalaha ah. Hadalkan ayaa ku soo beegmay khudbadii uu ka jeediyay Shir-madaxeedka 34-aad ee Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Baqdaad, Ciraaq, bishii Maajo 17, 2025.
Xiriirka taariikhiga ah ee labada dal
Xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suuriya ayaa ah mid ku dhisan taariikh wadaag iyo is-kaalmayn. Tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Suuriya, boqollaal ka mid ah shacabkeeda ayaa magan-galyo ka helay Muqdisho.
Qaxootigan, oo ay ku jiraan xirfadlayaal kala duwan sida dhakhaatiir, injineero iyo macalimiin, ayaa si weyn uga qayb-qaatay kobcinta dhaqaalaha iyo bulshada Soomaaliya.
Dhinaca kale, xilligii ay Soomaaliya la daalaa dhacaysay dagaalladii sokeeye, dad badan oo Soomaali ah ayaa Suuriya ka helay marti-gelin iyo fursad ay wax ku bartaan kuna shaqeystaan, taasoo abuurtay xusuus iyo xiriir aan go’in.
Xiriirkan isku-xirka ah ayaa sii ahaanaya aasaaska looga duulayo xiriirka diblomaasiyadeed ee hadda dib loo cusboonaysiiyay.
Fariin uu dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh u diray dhiggiisa Suuriya ee Axmed Al-Sharca munaasabadda Ciidul Adxaa, ayuu Madaxweynuhu mar kale ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta "xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga" ee labada dal iyo shacabkooda.