Suudaan ayaa sheegtay in xayiraadeeda saaran dhammaan badeecadaha Kenya ay weli sidii tahay, iyadoo meesha ka saartay mala-awaal kasta oo sheegayay in la khafiifiyay.
Safaaradda Suudaan ee Nairobi ayaa Talaadadii soo saartay bayaan ay ku sheegtay ''Suudaan waxay si adag uga go'an tahay'' inay sii waddo xayiraadda taasoo qayb ka ah ''go'aamadeeda madaxbannaan ee dhaqaale iyo diblomaasiyadeed''.
Suudaan ayaa horay ugu dhawaaqday xayiraadda saaran dhammaan badeecadaha ay ka keensato Kenya taasi oo ka dhalatay martigelinta Nairobi ee kulamada ciidamada Taageerada Degdega ah (RSF) iyo xulafadooda, kuwaas oo dagaal kula jiray ciidanka Suudaan, SAF.
''Suudaan waxay si adag uga go'an tahay'' inay sii waddo xayiraadda taasoo qayb ka ah ''go'aamadeeda madaxbannaan ee dhaqaale iyo diblomaasiyadeed''.
Sida ku cad wareegtada, hakinta soo dejinta badeecadaha waxay “ku salaysnayd Go’aanka Golaha Wasiirada Lr. 129 ee 2024, kaas oo joojinaya dhammaan badeecadaha laga keeno Kenya oo soo mara dhammaan dekedaha, xuduudaha dhulka, garoomada diyaaradaha iyo meelaha laga soo galo.”
‘Danta Qaranka’
Bayaanka wasaaraddu wuxuu xayiraadda ku tilmaamay inay jawaab u tahay martigelinta iyo kafaalaqaadka Kenya ee hawlaha iyo kulamada RSF, isagoo intaasi ku sii daray in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta danaha qaranka Suudaan iyo amnigeeda.
Amarku wuxuu farayaa “dhammaan mas'uuliyiinta ay khusayso inay si degdeg ah u dhaqan geliyaan xayiraadda.” Suudaan waxay Kenya ka keensataa dhowr badeecadood, oo ay ku jiraan shaaha, cuntooyinka iyo daawooyinka.
Ciidamada RSF ee Suudaan, oo ay wehliyaan kooxo siyaasadeed oo Suudaani ah iyo kooxo hubeysan, ayaa 22-kii Febraayo ku saxiixay axdi siyaasadeed dalka Kenya si ay u dhisaan dowlad barbar socota oo kasoo horjeeda maamulka Suudaan. Dowladda Suudaan ayaa ka mudaaharaadday martigelinta Kenya ee “shirqoolka lagu dhisayo dowlad” loogu talagalay RSF.
‘Dowlad barbar socota’
20-kii Febraayo, Suudaan waxay u yeertay safiirkeedii Kenya, Kamal Jabara, iyadoo ka mudaaharaadaysa ku lug lahaanshaha Kenya ee wadahadallada lagu doonayo in lagu dhiso “dowlad barbar socota”.
Isdhexgalka Kenya ee ciidamada militariga ah iyo xulafadooda ayaa dhaliyay walaac iyadoo laga cabsi qabo inay sii kala qaybiso Suudaan.
Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa difaacday doorkeeda, iyadoo sheegtay in martigelinta kulamadu ay qayb ka ahayd dadaallada lagu raadinayo xal lagu soo afjaro dagaalka Suudaan iyadoo la kaashanaysa Qaramada Midoobay (QM) iyo Midowga Afrika (AU).
Ciidanka Suudaan iyo RSF ayaa dagaalamayay tan iyo Abriil 2023, dagaalkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo qof, ayna ku barakaceen 14 milyan, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo mas'uuliyiinta maxalliga ah. Ilo aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaartay 130,000.