TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha G/ Banaadir iyo Safiirka Turkiga oo yeeshay kulan ku saabsan iskaashiga Muqdisho-Ankara
Kulankan labada mas'uul ayaa ku soo beegmay xilli dhowr maalmood ka hor, safaaradda Turkiga ee Muqdisho lagu xusay sannadguuradii 103-aad ee kasoo wareegtay Maalinta Guusha ee Turkiga.
Guddoomiyaha G/ Banaadir iyo Safiirka Turkiga oo yeeshay kulan ku saabsan iskaashiga Muqdisho-Ankara
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiga oo yeeshay kulan ku saabsan iskaashiga Muqdisho iyo Ankara / User Upload
3 Sebteembar 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas.

Kulankan oo ahaa booqasho sharafeed, ayaa waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska, nabadgalyada, iyo horumarka Caasimadda.

Intii uu socday kulanka, Guddoomiye Muungaab ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Turkigu ka ciyaaray dib-u-dhiska, amniga, iyo horumarka Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan tan iyo taageeradii bani’aadamnimo ee bilaabatay sannadkii 2011-kii.

Wuxuu sidoo kale Safiirka la wadaagay qorshaha Dowladda Hoose ee Muqdisho ee ku aadan iskaashiga khibrad-is-weydaarsi ee magaalooyinka waaweyn ee Turkiga si loo horumariyo adeegyada muhiimka ah sida nadaafadda, dhismaha waddooyinka, iyo nidaamka bullaacadaha.

Danjire Aktas ayaa xaqiijiyay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, oo ay ka mid tahay ka qeyb qaadashada dadaallada nabadeynta iyo horumarinta ee guud ahaan dalka.

Wuxuu kaloo xusay muhiimadda uu Turkigu siinayso in Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalka ay u diyaar garoobaan Doorashada Qof iyo Codka ah.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ballanqaaday fududeynta maalgashiga Turkiga

Guddoomiye Muungaab ayaa dhankiisa ballanqaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay fududeynta dhammaan maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Turkigu uu doonayo inuu ka hirgeliyo caasimadda.

Kulankani wuxuu ku soo beegmay xilli dhowr maalmood ka hor, safaaradda Turkiga ee Muqdisho lagu xusay munaasabadda sannadguuradii 103-aad ee kasoo wareegtay Maalinta Guusha ee Turkiga, taasoo muujineysa sida uu xiriirka labada dal uga gudbay heerka gargaarka, una gaaray xiriir istiraatiiji ah.

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us