Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, iyaga oo kulamo mira-dhal ah la yeeshay madaxda sare ee dalkaas. Ujeeddada safarka ayaa ahayd in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada
Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo wafdigiisa waxaa Qasriga Madaxtooyada Serbia loogu sameeyay soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah.
Intii uu socday kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la yeeshay dhiggiisa Serbia, Mudane Đuro Macut, waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa carrabka ku adkeeyay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhaqaalaha buluugga ah, beeraha, iyo xoolaha. Wuxuu dowladda iyo ganacsatada Serbia ku casuumay inay yimaadaan Soomaaliya si ay u soo indho-indheeyaan ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Serbia, Marko Djuric.
Labada Wasiir ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha iyo waxbarashada.
Heshiisyo Taariikhi ah oo la Saxiixay
Intii ay socdeen kulamada heerka sare ah, waxaa la kala saxiixday heshiisyo iskaashi caafimaad.
Heshiiskaan, oo uu saxiixay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, wuxuu fursad u siinayaa Soomaaliya in ay hesho daryeel caafimaad oo tayo leh iyo khibrad laga helo dhinaca Serbia.
Wafdiga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Serbia soo dhaweynta iyo maamuuska ay u fidiyeen, iyaga oo xusay in safarkani uu furi doono bog cusub oo ku saabsan iskaashi iyo saaxiibtinimo dheer oo ka dhexeeya labada dal.