TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Wasiir Hakan Fidan iyo Sacuudiga iyo Cumaan oo ka wada hadlay aqoonsiga Falastiin iyo gargaarka Qaza
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray dhiggiisa Sacuudiga iyo Cumaan, waxaana ay ka wada hadleen aqoonsiga Falastiin iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadamnimo ee Qaza.
Wasiir Hakan Fidan iyo Sacuudiga iyo Cumaan oo ka wada hadlay aqoonsiga Falastiin iyo gargaarka Qaza
Wasiir Hakan Fidan iyo Sacuudiga iyo Cumaan oo ka wada hadlay aqoonsiga Falastiin iyo gargaarka Qaza. / AA
13 saacadood ka hor

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si gaar ah khadka taleefanka ugala hadlay dhiggiisa Sacuudiga iyo Cumaan, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan aqoonsiga Qaranimada Falastiin iyo xaaladda bani’aadamnimo ee ka taagan Marinka Qaza.

Wasiir Fidan wuxuu la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, iyagoo ka wada hadlay diyaar garowga kulan la filayo in 22-ka Sebtembar lagu qabto magaalada New York.

Kulankani ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo aqoonsan lahaa dowladnimada Falastiin, waxaana sidoo kale ay ka wada hadleen dadaallada gargaarka bini’aadamnimo ee la gaarsiinayo Gaza.

Dhanka kale, Fidan wuxuu sidoo kale taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Cumaan, Badr bin Hamad Al-Busaidi, iyagoo is dhaafsaday fikrado ku saabsan dadaallada loo dhan yahay ee lagu doonayo in lagu aqoonsado dowladda Falastiin iyo xaaladda adag ee ka jirta Gaza.

Labada kulan ee Fidan uu la yeeshay wasiirrada Sacuudiga iyo Cumaan ayaa muujinaya sida Turkiga uu uga go’an yahay taageerada Falastiin iyo in la helo xal waara oo lagu soo afjaro dhibaatada ka jirta gobolka.

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us