Marwada Madaxweynaha Turkiga, Emine Erdogan, ayaa ka qayb gashay barnaamij ku saabsan dhaqanka oo lagu qabtay Shirweynaha Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO), iyadoo ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga dhaqanka iyo deegaanka ee dalalka ka qayb galay.
Marwo Emine, oo si diiran ay u soo dhoweysay Marwada Madaxweynaha Shiinaha, Peng Liyuan, ayaa kulan la qaadatay marwooyinka madaxda dalalka kale ee kulanka joogay.
Kulankan ayaa fursad u ahaa marwooyinka madaxda dalalka kala duwan ee kulanka joogay inay is dhaafsadaan fikrado ku saabsan hiddaha dhaqanka iyo qiyamka la wadaago.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Marwooyinka Madaxweynayaasha dalalka kala ah Nepal, Armenia, Malaysia, Mongolia, Azerbaijan, Iran, Masar iyo Uzbekistan.
Kulanka kadib, Marwo Erdogan waxay hadallo ay ku soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay ka qeyb galka barnaamijkan ay ku soo bandhigeen hodantinimada dhaqan ee gobolka Tianjin.
"Kulankan gaarka ah oo aan ku baarnay hodantinimada dhaqan iyo dhismaha magaalada Tianjin, waxaan ku yeeshay wada hadallo saaxiibtinimo, waxaanan ku wadaagnay fikrado ku saabsan qiyamka la wadaago sida nabadda, qoyska, deegaanka iyo iskaashiga dhaqanka," ayay tiri Emine Erdogan.
Shirkan oo ah kii ugu ballaarnaa ee Ururka SCO ay martigeliso dalka Shiinaha, ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxda 20 dal iyo dowladood, iyagoo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah iskaashiga gobolka.