Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar xafiiskeeda Soomaaliya, Axmed Aadan Xameed.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan diyaarinta iyo ka jawaabista musiibooyinka, bixinta gargaar bini’aadannimo, iyo dhisidda awoodda iyo xirfadaha shaqaalaha SoDMA si ay si hufan ugu shaqeeyaan xaaladaha degdegga ah.
Madaxa Bisha Cas ee Qatar xafiiskeeda Soomaaliya ayaa ammaanay dadaalka joogtada ah ee SoDMA ku wajahayso caqabadaha bani’aadannimo, isagoo xaqiijiyay in hay’addiisu sii wadi doonto taageerada mashaariicda horumarineed iyo bixinta gargaar degdeg ah oo loo fidiyo bulshooyinka nugul.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah, isagoo sheegay in wada-shaqeynta labada hay’adood ay horseedi doonto xalal waara oo wax ku ool ah oo lagu yareeyo nuglaanta bulshada Soomaaliyeed.
SoDMA ayaa markale ku celisay go’aankeeda ah in ay ballaariso iskaashiga ay la leedahay hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si loo xoojiyo badbaadada iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.