Waxaa caawa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Laascaanood shirweynihii taariikhiga ahaa ee dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, kaasoo socday muddo 8 maalmood ah, laguna dhammeystiray wajigii labaad ee dhismaha maamulka cusub.
Shirweyne ay ka qeybgaleen ergo ka badan 400 ayaa lagu ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee dowlad goboleedka cusub, waxaana lagu dhawaaqay in magaca maamulkaasi uu noqdo Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo magaalada Laascaanood loo asteeyay caasimadda maamulka.
Shirweynaha ayaa waxaa soo xirey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyadoo ay goobjoog ahaayeen ergooyin matalayay beelaha iyo bulshada kala duwan ee kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Intii uu shirku socday, ergooyinka beelaha ayaa si mideysan uga dooday arrimaha saldhigga u ah dowlad-dhisidda, waxayna si aqlabiyad leh ugu codeeyeen Dastuurka cusub oo dhabbaha u xaaraya hirgelinta nidaamka dowladnimo ee deegaanka.
Hiigsiga iyo Marxaladaha Xiga
Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa ku tilmaamay go'aannada shirweynaha mid taariikhi ah, isaga oo xusay in bulshada SSC ay muddo dheer u halgamaysay sidii ay uga mid noqon lahaayeen dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu intaa ku daray in xukuumaddiisu ay ka dhabeysay ujeedooyinkii Axdiga SSC-Khaatumo, gaar ahaan qodobka 6aad ee la xiriira sugidda amniga iyo xaqiijinta federaalnimada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si weyn u bogaadisay dadaallada nabadeed, wadatashiga iyo midnimada bulshada deegaanka ee horseeday guushan, iyadoo ballan qaaday taageero buuxda oo ku aaddan wejiyada xiga ee dowlad-dhisidda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa shaacisay in wajiga saddexaad ee geeddi-socodka maamulka cusub la bilaabi doono maalmaha soo socda. Wajigan cusub ayaa diiradda saari doona: yagleelidda Golaha Baarlamaanka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, qabashada doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka.
Wasaaraddu waxay mar kale u mahadcelisay dhammaan ergada, bulshada deegaanka, siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha ku lugta leh geeddi-socodkan muhiimka ah ee lagu xoojinayo nabadda, midnimada iyo horumarka gobolka.