Waxaa jira fannaaniin heeso qaada, waxaa kaloo jira fannaaniin taariikh dhiga. Suldaan Seeraar wuxuu ka mid noqday fannaaniinta ay Soomaalidu ku tilmaameen haldoor cusub, cod mideeyey qurbajoogta iyo kuwa gudahaba, oo dhaxal suugaaneed u sameeyay jiilka maanta iyo kan berriba.
Iftiinka hareeyey masraxa, sacab joogto ah iyo codad ka daba qaadaya… waa muuqaalka qof walba garan karo haddii uu hal mar daawaday bandhig faneed uu ka qeybgalayo Suldaan Seeraar. Magaciisa waxaa lagu xardhay qalbiga dadka Soomaaliyeed, balse codkiisu wuxuu ku faafay ilaa Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Australia.
Xusuustii Carruurnimada
Suldaan Seeraar Guhaad wuxuu ku dhashay Dhanan – tuulo yar oo ku taala Soomaali Galbeed, oo 70km u jirta magaalada Godey.
Wuxuu ahaa wiil yar oo jeclaa kubbadda cagta, ku dabaalashada wabiyada iyo daawashada aflaanta Bollywood-ka. Laakiin dhallinyarada deegaanku waxay mar walba ku xusuustaan codkiisa, oo lahaa xarrago iyo hibo dabiici ah. Mar kasta oo uu iskuulka ku qaado hees, waxaa la dareemi jiray in uu yahay wiil yar oo loo qaddaray fanka.
“Aniga muusiggu marnaba iima ahayn hiwaayad, ee wuxuu ahaa qaddar. Carruurnimadaydii waxaan si kalsooni leh uga hogaamin jiray kooxaha heesaha dugsiga, anigoo markaas aan weli qaangaarin.” ayuu sheegay.
Sannadkii 2013-kii ayuu Jigjiga u guuray. Halkaas ayuu kula kulmay oona u ku biiray kooxda caanka ah ee Ileys Band, oo noqotay “dugsigiisii muusiga”.. Halkaas ayuu ku bartay xirfadaha dhabta ah ee muusigga iyo masraxa, isagoo mar walba ku tilmaama kooxdaas qoyskiisa faneed.
“Muusiggeygii wuxuu si dhab ah uga bilaabmay Jigjiga. Waxaan halkaa ku helay fursad aan ku duubo, kaga qaado masraxyada, kuna muujiyo hibadayda. Ileys Band waxay ahayd dugsigii igu dhaliyey fannaanimada.”
Heesihii Uu Ku Soo Caanbaxay
Markii uu qaaday heesta Xamar Bila sannadkii 2018-kii, waxaa cirka isku shareeray magaciisa. Heesta “Xamar Bila” waxay ahayd hal-ku-dhiggii uu ku caan baxay. Heestu waxay ahayd mid ku saabsan quruxda dumarka Muqdisho, balse sidoo kale waxay ahayd dhawaaq cusub oo isku daray dhaqanka iyo casriga. Heestu waxay ahayd mid casri iyo dhaqameed isku dhafan, waxaana si gaar ah ugu farxay dhallinyarada Soomaaliyeed ee daafaha dunida ku nool. Waxaa loo arkay cod cusub oo qarnigan astaan u noqon kara. Markii ay heestaas hawada gashay, dad badan waxay ugu yeereen codka jiilkooda cusub.
“Heesaha aan qaado mar walba waxaan ka fogeeyaa siyaasadda iyo kala qeybsanaanta. Waxaan rabaa dadka in aan isku keeno, farxadna aan geliyo, jacayl iyo wada noolaansho aan ku beerayo. Taasi waa himiladayda ugu weyn.”
Laga soo bilaabo abaalmarinno uu kaga guuleystay Kenya, ilaa masraxyo uu heeso kaga qaaday London, Minneapolis iyo Stockholm, safarkiisu wuxuu noqday mid caalami ah. Suldaan wuxuu mar walba ku celceliyaa himiladiisa.
Guulihii Caalamiga ahaa
2019 waxaa lagu abaalmariyay “Male Artist of the Year” xafladdii Somali Glamour Awards ee Nairobi. Waxaa xigay bandhigyo ka dhacay Minneapolis, London, iyo magaalooyin kale oo Yurub ah oo uu ku soo jiitay kumannaan taageerayaal.
Sannadkii 2020-kii wuxuu iskaashi la sameeyay fanaaniinta caanka ah ee Zambia – Roberto iyagoo sameeyay remixka heesta “African Woman”, taas oo gaartay in ka badan 3 milyan oo daawasho ah.
“Muusiggu waa dariiq aan iskugu xirno Afrika oo dhan. Markii aan la shaqeeyay fanaaniin Zambia ka socda, waxaan ogaaday in codka Soomaaliyeed uu leeyahay awood uu kula jaanqaado dhaqamada kale.”
“Safari” iyo Bien – Heestii Xuduudaha Dhaaftay
Bishii Abriil 2025-kii, wuxuu la soo saaray heesta “Safari” fanaanka caanka ah ee reer Kenya, Bien (oo ka tirsan kooxda Sauti Sol). Muuqaalkii lagu duubay Istanbul waxaa dhacday wax mucjiso u eg, isagoo noqday mid gilgilay YouTube-ka, oona hal maalin gudaheed gaaray malaayiin daawasho.
“Bien isagaa isoo raadshey. Waa sharaf weyn in fannaaniin caalami ah ay iigu yimaadaan wada shaqeyn. Waxaan ku farxay in uu i doorto, waana sharaf weyn oo muujinaysa in codka Soomaaliyeed dunida laga maqlay.” ayuu yiri Suldaan.
Barclays Center iyo Davido – Riyo Rumowday
Maanta, Suldaan Seeraar, magaciisa waxaa lagu daray liiska fannaaniinta ugu waaweyn Afrika, halka Luulyo sannadkani 2025, uu Suldaan masraxa la istaagay Davido, fannaanka reer Nigeria oo ka mid ah fannaaniinta ugu waaweyn Afrika.
Waxaa ay hees ka wada qaadeen bandhigga “5IVE ALIVE” ee Barclays Center, Brooklyn, iyadoo daawadayaasha badankood aysan Soomaali ahayn.
“Waxaan la dhacsanaa sida ay dad aan Soomaali ahayn iila qaadeen heesahayga. In aan masraxa la fuulo Davido, kumannaan qof hortooda, waxay ahayd waayo-aragnimo aan marnaba ilaawi doonin.”
Magaca “Suldaanka Geeska”
Taageerayaasha ayaa ugu yeeray “Suldaanka Geeska” – boqorka muusigga Soomaaliyeed. Magacaasina wuxuu noqday astaan mideysay bulshada Soomaaliyeed oo dhan.
“Magacan anigu iskama aanan bixin, waa hadiyad ay dadka Soomaaliyeed i siiyeen. Waan u qaddariyaa maxaa yeelay waxay tusinaysaa kalgacal iyo kalsooni.”
Abaalmarinno iyo Higsiyo Cusub
Heestiisa “Sacdiyo” ayaa loo soo xulay abaalmarinta Africa Golden Song of the Year 2025. Wuxuu mar walba ku xusaa in uu ku daydo haldoorradii Soomaaliyeed ee hore, sida Xasan Aadan Samatar iyo Awale Aadan.
“Waa geesiyaashii dhaxalka noo reebay. Aniguna waxaan doonayaa inaan curiyo heeso casri ah, balse weli xididka ku haya dhaqanka Soomaaliyeed.”
Qoyska iyo Nolosha Gaarka ah
Inkasta oo uu masraxa ku yahay xiddig ifaya, Suldaan wuxuu ku nool yahay nolol qoys oo xasilloon. Sannadkii 2018-kii ayuu guursaday Amuun, waxayna dhaleen saddex wiil.
“Qoysku waa saldhigga farxadda. Carruurta iyo xaaskayga waxay i siiyaan xoog iyo kalsooni aan ku wajaho masraxa iyo nolosha kale.”
Gunaanad
Suldaan Seeraar maanta waa codka jiilka cusub ee Soomaalida, balse sidoo kale waa astaan caalami ah oo muujisay in muusigga Soomaaliyeed uu leeyahay awood uu ku taaban karo qalbiyada caalamka. Masraxa uu istaago ma aha oo keliya meel lagu qaado hees, waa meel uu dadka isku keenta, iskuna xirta.
“Muusiggu waa luuqadda ugu weyn ee aan isku fahmi karno, waana dariiqa aan u baahannahay si aan u wada noolaanno.”