Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale ku celiyay in Turkigu uusan daawan karin dhibaatada ay Falastiiniyiintu ku jiraan iyada oo ay sii socoto weerarka Israa’iil, isaga oo si kulul u dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
“Ma noqon karno dad aamusan oo daawanaya dhibaatada ka jirta Falastiin, oo uu sababay Netanyahu ee aan naxariista lahayn,” ayuu yiri Erdogan Arbacadii, isaga oo ka hadlayay xafladda furitaanka Todobaadka Mawliidka ama dhalashada Nebiga oo ka dhacday Ankara.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in walaaca Turkiga uu ka baxsan yahay xuduudihiisa, isaga oo adkeeyay midnimada uu la leeyahay dalalka Muslimiinta ee colaadaha la daalaa dhacaya.
“Qalbigeenna barkiis waa halkan; barka kalena waa Qaza, Falastiin, Yemen, Suudaan iyo Afgaanistaan, halkaas oo boogaha dunida Islaamka ay ka dhiigayaan,” ayuu yiri.
Isaga oo ka hadlayay mowduuca midnimada, Erdogan wuxuu ku dhawaaqay: “Waxaan dhammaan Muslimiinta u aragnaa inay yihiin dhagaxyada uu hal dhisme ka kooban yahay, iyo qaybaha jir isku mid ah."
Inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin ka jira gobolka, madaxweynuhu wuxuu ku booriyay adkaysi iyo iska caabin.
“Ma nihin kuwo rajo beelay, mana noqon doonno kuwo rajo beela. Inkasta oo ay jiraan cadaalad darro, sinnaan la’aan iyo dulmi ka jira gobolkeenna, marnaba ma oggolaan doonno in niyad jab nagu dhaco,” ayuu yiri.
Israa’iil ayaa weerar milatari oo arxan daran ku qaadday Qaza, kuna dishat in ka badan 63,700 oo Falastiiniyiin ah tan iyo dabayaaqadii 2023. Weerarka milatari ayaa burburiyay degaanka Qaza, kaas oo wajahaya macaluul ay sababtay Israa’iil.
8-dii Agoosto, Golaha Ammaanka ee Israa’iil ayaa sidoo kale ansixiyay qorshe uu soo bandhigay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo ah in si tartiib tartiib ah dib loogu qabsado Qaza, iyadoo laga bilaabayo bartamaha Magaalada Qaza.
Bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amarro lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant, iyaga oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Qaza.
Israa’iil sidoo kale waxay wajahaysaa dacwad ku saabsan xasuuq oo ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taas oo la xiriirta dagaalka ay ku qaaday degaanka Qaza.